Maxkamadda Kenya maanta go'aan ka gaaraysa doorashada

0
Wednesday October 25, 2017 - 10:49:58 in by salman abdi
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Kenya maanta go'aan ka gaaraysa doorashada

    Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa lagu wadaa inay maanta go'aan ka gaarto in ay qabsoomi karto iyo in kale doorashada madaxtinnimada ee ku celiska ah ee loo ballansan yahay Khamiista. Maxkamadda ayaa ka jawaabeysa dalab degdeg ah oo lo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa lagu wadaa inay maanta go'aan ka gaarto in ay qabsoomi karto iyo in kale doorashada madaxtinnimada ee ku celiska ah ee loo ballansan yahay Khamiista. Maxkamadda ayaa ka jawaabeysa dalab degdeg ah oo loo soo gudbiyay.


Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa isaga baxay tartanka, isagoo dhaliilay qaabka uu guddigu u abbaaray qabanqaabada doorashada ku celiska ah.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku adkeystay in doorashada ay qabsoonto Khamiista.

Qolyaha u dooda xuquuqda aadanaha oo kiiskan geeyay maxkamadda ayaa sheegay in aysan Kenya diyaar u ahayn doorasho waxayna rajeynayaan in maxkamaddu ay joojiso doorashadan oo ay ku dhawaaqi doonto in doorasho hor leh la qabto.

Isbaheysigiisa NASA ayaa ku dhawaad maalin kasta dalka ka dhigayay muddaaharaad ay uga soo horjeedaan guddiga doorashada. Booliska ayaa lagu eedeeyay inay isticmaaleen xoog xad dhaaf ah. Tobannaan qof ayaa ilaa iyo hadda ku dhimatay muddaarahaadyadaasi.

Taageerayaasha Kenyatta waxaa ka go'an inay khamiista codeeyaanLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionTaageerayaasha Kenyatta waxaa ka go'an inay khamiista codeeyaan

Isbuucii la soo dhaafay xubin sare oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa is casishay iyadoo sheegtay inaysan diyaar u ahayn waxay ugu yeertay 'qeyb ka noqoshada' doorasho aan si hufan loo qaban doonin. Waxay u carartay New York iyadoo sheegtay inay u baqday nafsadeeda.

Maalin ka dib is casilaada Roselyn Akombe, ayaa gudoomiyaha guddiga doorashooyinka wuxuu qirtay inay adagtahay in doorasho 'macquul ah' la qabto.

''Waxaa arrin yaabkeeda leh ah in hoggaamiyayaasha siyaasadda ee laga rabay inay dhisaan qaran ay nqodeen khatarta ugu daran soo food saartay xasilloonida iyo nabadda qaranka'', ayuu yiri Wafula Chebukati.