Hay'adda Shaqaalaha dawladda oo 24 sanno kadib shaqaalaha u samaysay jaangoynta habeen dhaxyada iyo shaqaalaha oo ay hiil u noqon doon

0
Tuesday October 31, 2017 - 17:30:37 in by Burco Office
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Shaqaalaha dawladda oo 24 sanno kadib shaqaalaha u samaysay jaangoynta habeen dhaxyada iyo shaqaalaha oo ay hiil u noqon doon

    Hay'adda Shaqaalaha dawladda oo 24 sanno kadib shaqaalaha u samaysay jaangoynta habeen dhaxyada iyo shaqaalaha oo ay hiil u noqon doon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Shaqaalaha dawladda oo 24 sanno kadib shaqaalaha u samaysay jaangoynta habeen dhaxyada iyo shaqaalaha oo ay hiil u noqon doon

Hay'adda Shaqaalaha dawladda oo soo saartay jaangoynta habeen-dhaxyadda shaqaalaha dawladda

- Kadib muddo badan oo shaqaalaha dawladdu gali jireen safaro dalka gudihiisa ah isla markaana aanay jirin jaangoyn sax ah oo gobol walba loo siiyo habeen-dhax isugu jira cunno iyo seexad

- Kadib markii ay cadaatay in ay lagama maarmaan tahay in loo sameeyo jaangoyn ku salaysan xaqiiqo iyo xog-ururin

- Kadib markii aan ka war helnay in hay'adaha dawliga ah ama hay'adaha caalamiga ah ee ay la shaqeeyaan shaqaalaha dawladu isugu jiraan kuwo u badiya iyo kuwo bakhsaba

-Kadib markii aan shirar joogto ah oo maalmo qaatay arintaa ku lafa-gurnay

- Kadib markii aan ku qanacnay in ay lagama maarmaan tahay in habayn, horumarin iyo hiil ba loo sameeyo shaqaalaha dawladda

- Waxaan go'aansanay in aanu soo saarno jaangoyn sax ah oo shaqaalaha dawladda ee shaqo ugu baxaya goboladu habeen dhex u qaataan

- Go'aankan wuxuu shaqayn doonna muddo laba sanno ah 2018-2019 iyada oo jaan-goyntaas dib u eegis lagu sammayn doono labadii sannadoodba mar.

Haddaba, markii aan daraasad ku samaynay qiimaha hotel-ada, cimilada iyo maceeshada gobolada kala duwan ee dalka waxaanu soo saarnay qiimo sax ah.

- Qiimayntan waxa maanta si rasmi ah loogu gudbiyay Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo dhamaan wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee ay khusayso si ay u dhaqan geliyaan.

- Shaqaalaha doona in uu faahfaahin arintaas ka helo fadlan ha kala xidhiidho Wasaaradda ama hay'ada dawladeed ee uu ka hawl galo sidoo kalena hadii uu xog dheeraad ah doonno wuxuu ka heli karaa hay'adda shaqaalaha dawladda

Sharmaake Axmed Muxumed Geelle
Gudoomiyaha hay'adda Shaqaalaha Dawladda
Jamhuuriyadda Somaliland

Image may contain: 2 people, people smiling, people sitting, people eating, table and indoorImage may contain: 1 person, smiling, sittingImage may contain: 1 person, smiling, sittingImage may contain: 1 person, smiling, sittingImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoor