Hoggaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka Dalka Kenya Oo Qaadacay Natiijadda Doorashada.

0
Wednesday November 01, 2017 - 11:12:44 in by Burco Office
  • Visits: 604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka Dalka Kenya Oo Qaadacay Natiijadda Doorashada.

    Hoggaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka Dalka Kenya Oo Qaadacay Natiijadda Doorashada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka Dalka Kenya Oo Qaadacay Natiijadda Doorashada.

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka Kenya ee NASA, Raila Odinga ayaa maanta sharaxay go’aamada uu ka qaatay doorashadii Isniintii la soo afjaray.


Waxaa uu ku celiyay in weli uu aaminsan yahay in aysan doorasho dhicin, wuxuuna tilmaamay in uusan aqoonsanayn maamulka Uhuru Kenyatta.

Raila Odinga oo aysan garabkiisa ka muuqan hoggoomiyayaashii kale ee mucaaradkiisa NASA xilligii uu hadalka jeedinayay, ayaa ku dhawaaqay go’aamo culculus.

Wuxuu xisbiga Jubilee iyo guddiga doorashada ee IEBC ku eedeeyay in ay diideen go’aankii maxkamadda, fikradaha caalamka iyo hadalka xubin sare oo ka mid ahayd guddiga Roselyn Akombe oo shaqada ka carartay.

"Guddoomiyaha IEBC, Wafula Chabukati ayaa xaqiijiyay in aysan doorasho xor ah qaban karin, hadana wuxuu qabtay mid aan waxba ka jirin,” ayuu yiri Raila oo warbaahinta la hadlay.

Raila Odinga ayaa ku celiyay hadal uu jeediyay isbuucii tagay oo ahaa in uu sameynayo howlgal uu ugu magac daray "Ololaha Iska Caabinta Qaran.”

"Dhaqdhaqqaqa iska caabinta qaran wuxuu masuul ka ka noqon doonaa fulinta barnaamij xoog leh oo siyaasadeed sida, go’doomin dhaqaale, dibadbaxyo nabadeed iyo isu soo baxyo kale oo sharci ah,” ayuu sheegay Raila oo saxaafadda iyo shacabka Kenya la hadlay.

Rabshado dhacay intii codeynta ay socotay waxaa ku dhintay dhowr qof, kuwa badanna waxaa la geeyay cisbitaallo.

Taageerayaasha Raila ayaa hor istaagay in codeynta ay ka dhacdo goobaha qaar, taas oo sabab u ahayd in la joojiyo doorashadii ka dhici lahayd afar deegaan.