Liberia: Wareegii labaad ee doorashada madaxtooyada oo la hakiyey

0
Thursday November 02, 2017 - 08:03:51 in by Burco Office
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liberia: Wareegii labaad ee doorashada madaxtooyada oo la hakiyey

    Liberia: Wareegii labaad ee doorashada madaxtooyada oo la hakiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liberia: Wareegii labaad ee doorashada madaxtooyada oo la hakiyey

Maxkamadda Sare ee Liberia ayaa amartay in la hakiyo diyaar garowga loogu jiro qabashada wareegga labaad ee doorashada madaxtinimada ee dhici lahayd Salaasada, ka dib markii ay soo baxeen eedo sheegaya in khiyaamo ka dhacday wareegii koobaad.

Ciyaartoygii hore ee kubadda cagta, George Weah iyo madaxweyne ku xigeenka haatan, Joseph Boakai, ayaa la filayey in ay ku tartamaan wareegga labaad ee doorashada oo dici lahaa 7 bishan Noofember.

Laakiin musharaxii wareegii koobaad galay kaalinta saddexaad ee ka tirsan xisbiga Liberty, Charles Brumskine, ayaa Maxkamadda Sare u gudbiyey dacwad uu ku durayo natiijada wareegii koobaad.

Doorashadii dhacday bishii hore ayaa ahayd tii u horrasay ee si xor ah looga qabto dalka tan iyo intii uu dhamaaday dagaalkii sokeeye sanadkii 2003-kii.

Markii ay maxkamaddu ku dhawaaqday xukunkan ay soo saartay ka dib, ayaa waxa booliska rabshadaha ka hor taga la dhigay maxkamadda iyo xarunta gudida doorashooyinka.

Mar dambe ayaa waxa isna caasimadda dalka gaadhay wefti ay ka mid yihiin madaxda urur goboleedka iskaashiga dhaqaale ee galbeedka Afrika ECOWAS iyo Midowga Afrika, waxaana la filayaa in ay shirar la galaan dhamaan xisbiyada siyaasadeed ee Liberia.