Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Jiidaha Gobolka Sool Oo Heegan Culus Galay, Ciidamo Maamulka Puntland Soo Abaabuleen Oo Daandaansi Ka Wadda Gobolka Sool Iyo Xaaladihii Ugu Danbeeyay.

0
Sunday November 05, 2017 - 11:28:02 in by Burco Office
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Jiidaha Gobolka Sool Oo Heegan Culus Galay, Ciidamo Maamulka Puntland Soo Abaabuleen Oo Daandaansi Ka Wadda Gobolka Sool Iyo Xaaladihii Ugu Danbeeyay.

    Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Jiidaha Gobolka Sool Oo Heegan Culus Galay, Ciidamo Maamulka Puntland Soo Abaabuleen Oo Daandaansi Ka Wadda Gobolka Sool Iyo Xaaladihii Ugu Danbeeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Jiidaha Gobolka Sool Oo Heegan Culus Galay, Ciidamo Maamulka Puntland Soo Abaabuleen Oo Daandaansi Ka Wadda Gobolka Sool Iyo Xaaladihii Ugu Danbeeyay.

Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Jiidaha Gobolka Sool Oo Heegan Culus Galay, Ciidamo Maamulka Puntland Soo Abaabuleen Oo Daandaansi Ka Wadda Gobolka Sool Iyo Xaaladihii Ugu Danbeeyay.
Iyada oo ay muddo aad u kooban ka hadhsan tahay doorashada madaxtooyada Somaliland isla markaana ay dhacayso 13 bishan aynu ku guda jirno ayaa Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiidaha hore ee gobolka Sool ay galeen heegan culus oo ay ku adkaynayaan amaanka iyo xuduudaha Somaliland.

 

Waxaana ciidamadu ay sugayaan oo hadh iyo habeena ay heegan ugu jiraan sidii ay u ilaalin lahaayen amniga iyo xuduudaha Somaliland,isla markaana ay dhirbaaxo kulul ugu dhufan lahaayen cid kaste oo isku dayday khalkhalin amni.Xogaha nasoo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in maamulka Puntland ay ciidan ay soo abaabuleen ay usoo direen deegaano hoos yimaada gobolada buhoodle iyo Sool, iyaga oo ciidamadaasina ay xalay qaarkood soo gaadheen aagga deegaanka Oog.

Xiisad ayaa ka taagan deegaano hoos yimaada gobolada sool iyo Buhoodle, waxaana laga cabsi qabaa in dirir ku dhex marto deegaanadaasi ciidamada Qaranka Somaliland iyo ciidamada ay maamulka Puntland soo abaabuleen, Ilaa hadda lama garanayo sida uu xaalku noqonayo.