Tartan Aqooneed Bishii Ramadan uu Gobolka ka Waday Ururka ATVO oo la soo Gunaanaday iyo Dugsigii ku guuleystay Koobka +SAWIRO

0
Sunday July 27, 2014 - 20:11:51 in by Super Admin
  • Visits: 1889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartan Aqooneed Bishii Ramadan uu Gobolka ka Waday Ururka ATVO oo la soo Gunaanaday iyo Dugsigii ku guuleystay Koobka +SAWIRO

    Ururka La Dagaalanka Qabyaaladda ee Xaruntiisu Tahay Gobolka Togdheer ayaa Maanta Soo Gunaanaday Tartan Aqoon is weydaarsi oo ay Bisha Ramadaan u Qabteen 16 iskuul oo ka mid ah Dugsiyada H/Dhexe ee Gobolka Togdheer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka La Dagaalanka Qabyaaladda ee Xaruntiisu Tahay Gobolka Togdheer ayaa Maanta Soo Gunaanaday Tartan Aqoon is weydaarsi oo ay Bisha Ramadaan u Qabteen 16 iskuul oo ka mid ah Dugsiyada H/Dhexe ee Gobolka Togdheer.


Tartankan oo Ardayda Dugsiyadaasi lagu Waydiinayey Su’aalo Kedis ah isla markaasna Bishaasi Ramdaan ka socday Hoolka Jaamacadda Gollis Burco ayaa Maanta Xidhitaankiisii oo ay isugu Soo hadheen kuna kala baxayeen Dugsiyada Geeska Afrika iyo Sh, Yusuf Kaynuun lagu Qabtay Hotel City Palaza ee Magaalada Burco.

Waxana Munasibaddii Xidhitaanka ee Koobka lagu guddonsiinayey Dugsiga Geeska Afrika ka hadlay G/kuxigenka Waxbarashada Gobolka Togdheer Xasan Jaamac, Xildhiban Cabdilaki Xasan Nur oo ka mid ah Golaha Degaanka Burco, Maamulayasha Dugsiyada Maanta Tartamayey ee Geeska iyo sh.yusuf, iyo Xubno Arday oo u kala hadlayey Dugsiyadaasi.

Dhammantood waxay Bogaadiyeen kuna hambalyeeyen hawsha baaxadda leh ee ay qabteen Ururka ATVO iyo Cid kastoo la shaqaysay oo ku gacan siisay hawshan, waxay sidoo kale iftiimiyeen in waxbarashadu muhiim u tahay bulshada isla markasna ay haboontahay in Tartanada noocan ah la joogteeyo oo an laga caajisin, taaso ujeedooyin iyo faaidoyin badan yeelanysa isl amarkaasna muhiim u ah is dhex galka dhalinyarada gobolka.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Guddomiyaha Ururka ATVO Cabdinasir Adan Siciid oo sheegay in muhiimadda iyo ujedada ay tartanadii ka lahaayeen ahayd sidii ay dhalinyarada dhexdooda uga samayn lahayeen is dhex gal isla markasna aanaymeesha ka maqnay aqoonta iyo muhiimadda ay leedahay,w axanu xusay in ururkoodu ay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulayaan sidii ay gobolka uga baabiin lahaayeen qabyaaladda oo ah ta ragaadisay gobolka. Waxa uu Guddomiyuhu si gaar ahu xusay uguna mahadceliyey Jamacadda Gollis Burco, City Palaza Hotel, Burco Printing, iyo Madbacadda STAR oo iyagu kaalin muhiim ah ka qaatay Tartankani isla markaasna ka saaciday Waxyaabo badan oo ay ubaahnaayeen.

Intasi kadib Waxa Koobkii Guusha halkaasi lagu guddoonsiyey Dugsiga H/Dhexe ee Geeska Afrika iyadoo Jaaisado kale iyo Shahaado sharfyo na lagu guddoonsiyey, Dugsiyada SMART iyo Gahayr, Arday, Maamulayaal, iyo Xubno kale oo Door muhiim ah ka qaatay Qabsoomidda iyo Habsami u socodkii Tartankani.

Waa Markii u horeysay ee Ururka Ladagaalanka Qabyaaladda ee ATVO uu Tartan Noocan ah ku Qabto Gobolka Togdheer.




Mustafe Teacher

Afkashacabka.com

Burco / Office

Contact@afkasacabka.com

Halkan Hoose Ka Daawo Sawiro Ku Saabsan Munasibadan