Siyaasadda Qori-isu-dhiibka + Isbahaysiga NAATO Iyo WAARSA Ee Madaxweynaha Jeegaanta (Qaybtii Labaad)

0
Sunday December 03, 2017 - 10:59:42 in by Burco Office
  • Visits: 712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasadda Qori-isu-dhiibka + Isbahaysiga NAATO Iyo WAARSA Ee Madaxweynaha Jeegaanta (Qaybtii Labaad)

    Siyaasadda Qori-isu-dhiibka + Isbahaysiga NAATO Iyo WAARSA Ee Madaxweynaha Jeegaanta (Qaybtii Labaad)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasadda Qori-isu-dhiibka + Isbahaysiga NAATO Iyo WAARSA Ee Madaxweynaha Jeegaanta (Qaybtii Labaad)

Taxanahani waxa uu daba socda, sida Akhristayaasha intooda badani ka war-qaban qormo kusoo baxday Wargeyska Yool Cadadkiisi 636, kaasoo ciwaankiisu ahaa "Siyaasadda Qori-isu-dhiibka + Isbahaysiga Naato Iyo Waarsa ee Madaxweynaha Jeegaantaā€¯. Qoraal kaas qaybtiisa waxanu idinku soo gudbinay xogo ku saabsan qaabka Xukuumadda tallada ka degeysaa u shaxaysay saami-qaybsiga kuraasta xilalka dawladda.


Qaybtana waxanu kusoo qaadan-doonaa xogo iyo macluumaad ku saabsan, kala awood badnaan ka dhex jirtay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo qaabkii u dhacay oloollihii doorashada Madaxtooyaddu, iyo sidoo kale dhacdooyin kale oo u aad u xiiso badan oo Wargeysku xogo badan ka ururiyey.
Is-xulufaysiga Siyaasadeed ee ku dhisan nidaamka Jeegaantu, intaasoo keliya kuma ekeyn, balse mudadii Xukuumadda KULMIYE tallada dalka haysay, waxa jiray oo intaaba socday qorshayaal faro-badan oo hadaf kooddu ahaa gunti giijis, kuwasoo ahaa qaar ka kooban laba waji oo kala ah, mid ku dhisan kor-u-qaadista tayadda aqooneed ee nidaamka dawliga ah, ee dhalinyaradda ku abtirsata Jeegaanta iyo sidoo kale, istaraajiyadda labaad oo ahayd in la sammeeyo maal-qabeeno yar-yar, si arrimaha loo helo, waxa bilaabmay mashaaric yar-yar oo u kamid yahay dib-u-dhiskii Guryaha dawladda ama xarumaha Wasaaraddu degen yihiin, mashruucaas dhamaantii waxa la siiyey oo fuliyey shaqsiyaad gaar ah, oo baddi iyaggu kasoo jeeday labada daraf ee Jeegaanta, iyadoo haba-yaraatee mashruucaasi xiligii uu socday aan lasoo marin guddida qandaraasyada qaran, si bulshaddu tartan xalaal ah ugu gasho, marka laga reebo Iibka ama xaraashkii xaruntii hore ee Wasaaradda Duulista iyo hawada.
Waxa kaloo, jira sida aynu kor kusoo sheegnay qorshe socday oo aan si cad kolna daboolka looga qaadin, balse masuuliyiintii Xukuumadda xilalka kasoo qabtay iyo kuwa haatan jooga intu ay sheegeen markaad hoos u sheekeysatan in bajad Miisaaniyadeedka wasaaraddaha qaarkood uu la socday ama ku jiray dhaqaale loogu talo-galay in lagu naas-nuujiyo dad gaar ah, kuwasoo sida dhacday qaarkood dibeda ay jiraan, kuwo kalena Guryo waaweyn uga kireysnaayeen caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxa jirtay oo Warbaahintu marar badan waxka qortay mashaarico waaweyn oo dad si gaar ah loo siiyey, kuwasoo aynu iyanna ka xusi karno bedelaadii Basborka Jamhuuriyadda Somaliland oo tiraba laba jeer shaqsiyaad la siiyey, inay soo sameeyan, iyo sidoo kale, mashruuca tikidhada lagu muujiyo cashuur bixinta, oo iyana la siiyey kooxi soo sammaysay. Lasoco Cadadka dambe.

Xigasho: Yool