Maxaa Cashar laga baran karaa Tartankii Doorashada Madaxtooyada 2017 ??

0
Monday December 04, 2017 - 12:43:49 in by Burco Office
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Cashar laga baran karaa Tartankii Doorashada Madaxtooyada 2017 ??

    Maxaa Cashar laga baran karaa Tartankii Doorashada Madaxtooyada 2017 ??

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Cashar laga baran karaa Tartankii Doorashada Madaxtooyada 2017 ??

Waa wax ilaahay loogu mahadiyo ah in aynu haysanno nabad iyo xasilooni aanayhaysan dalal badan oo jaarkeenna ah, iyo Dimuqraadiyad aynu kaga tashannoAayaheenna oo aan ku soo xulan karno Madaxda Hoggaanka Dalka, taasoo aanay haysan waddammo badan oo qaaraddeenna ama adduunka saddexaadka mid ahi.
 
13 November 2017, waxa inoo qabsoontay doorasho taariikhi oo xambaarsanaydqodobbo muhiim ah:-in Markii ugu horreysay somaliland la iska diiwangeliyo, laga ololeeyeylagana codeeyo dhul aanay hore doorashado uga dhici jirin.- in Markii ugu horreysay Madaxtooyada uu isu soo taago murashax ka soo jeedaGobolada Bari oo uu Xisbiga UCID Madaxweyne ku-xigeen uga tartamo.
- lagu codeeyo Hannaan casri ah oo aan lagu noq-noqon karin codeynta.- iyo ugu dambeyn iyadoo si Nabadgelyo ah inoogu dhacday.Waxa Xusid mudan in Cadowga Somaliland ay saadaalinayeen oo ay jeclaayeenin aynu isku dhacno oo iskaga hornimaadno. Waxay lahaayeen "way is dilayaanoo waa lagu kala tegeyaa”. May noqon oo ilaahay kama dhigin".
Rag uu ka dhexeeyo geel,
Hadduu kala geeyo damac,
Waxaa isu gaysa dane,
Allow garansii nin moog!
 
Waxay hilmaansanaayeen Dimuqraadiyada Somaliland in ay tahay midguun ah (gaamurtay) oo ka soo unkantay ururkii halganka SNM
(oo ahaa Jabhadda Dimuqraadi ah) taasoo ay soo mareen ama iskaga

 

dambeeyeen 5 guddoomiye oo dhammaantood ku wada yimid qaabdoorasho dimuqraadi ah.Doorashadani 2017 waxay noqotay mid indhihii Caalamka soo jiidatay,waxana Somaliland lagu tilmaamay SIRAADKA AFRIKA. WaxaynaSomaliland noqotay mid la majeerto oo Role Model u noqon doonta gobolkanaynu ku nool nahay, Afrikana uga muuqata sida UBAX meel abaar ah ka baxay uu u
muuq dheer yahay.Waxaa quruxda doorashada sii bila, Madaxweyne Siilaanyo oo ah (a popularpresident) oo isagoon doorasho lagaga adkaan, sharciguna u ogol yahay in uumar labaad sii tartamo uu isgu ikhtiyaarkiisa uga degay xukunka, halka madaxdawaddamada qaar kursiga ku dheggan yihiin lagana rogi la’yahay.Runtii qaabkii diiwaan gelinta codbixiyayaasha, hannaankii olalahadoorashada, dooddii Tv-ga ee murashaxiinta iyo habkii codbixintaintuba waxay u dhaceen oo inoogu dhammaadeen jabwi wacanoo ilbaxnimo, bisayl siyaasadeed iyo isu dulqaadasho leh.Kursigu laba ma qaadee mid baa la iska qeybshaa,horaa loo yidhi (Gari laba nin ma wada raacdo)Hase yeeshee go'aankii natiijada codbixinta doorashda waxa saluug kamuujiyey Xisbiga Waddani inkastoo uu markii dambe tanaasulay oo aanuwax dacwad ah u gudbinin Maxkamadda Sare oo iyadu natiijada Rasmigaahayd ama kama dambaysta ahayd ku dawaaqday.Adoo wax ka gaws qabsadayMar baa gefka loo liqaaInaan danta guud murkacan

Waa dabciga dimuqraadiyada in bulshadu qeybsanto xilligaololaha doorashada (campaign season ). Waxase ugub ahayd oo xummadda iyoxaraaradda doorashada kor u qaaday Madax-dhaqameedkii dhex boodayey ee aadkauga dhex muuqday ololahaha doorashada, kuwaas oo dhabqiyey milligiii iyo macnihiidoorashada, muujiyayna sawir ka duwan kii Xisbiyada oo aad mooddaysay in
Qabaa’ilo ay tartamayaan.

 
Waxa habboon wixii khaladaad farsamo ah ee dhacay in guddida doorashooyinkaiyo Akadamiyada nabaddu ay ka diyaariyaan Warbixin rasmi si waayo aragnimoiyo cashar looga barto isla markaan xeer looga soo saaro.waxaa la yidhi doqoni meel lagu xafiiltamay in lagu kala tegay mooddaa
(Hiirtaanyo xasuuste walaal ma xidhiidhsho)Ha giijin xadhkaa ha jarin!Ha goyn waxa laysku yahayMagliga gacan loola baxay
Gudaha uma dhaadhacdeeHa gaadhin laftoo ha jabinAfkaagana godob ka dhowr!Haatan iyo gababo waa Mas’uuliyad Wadareed (collectiveResponsibiliy) in guud ahaan Murashaxiintii, gaar ahaan Madaxweynahala doortay ka shaqeeyaan wadajirka iyo mideeynta ummadda iyo sidii lootirtiri lahaa xanaftii iyo xagtimihii tartanka doorashadu keentay. Runahaantii waa arrin u baahan insi dhab ah ay uga wada-hadlaan isla markaana uga wada-hawlgalaanhoggaamiyayaasha Xisbiyada qaranka. Madaxweynaha cusub waa inuumaanka ku hayaa in kuwii u codeeyey, kuwii ka codeeyey iyo kuwii aancodeyn intaba uu isagu Madaxweyne u yahay.

Gedday tahay dheesha taal
Inuu hebel guul heliyo
Inuu gudbiwaayo hebel
Galaasku halkaa ma yaal
Nimaan garanoow u toos!
Wa billaahi tawfiiq
Somaliland Guul iyo Gobanimo

Cali Xaruuri
Holland
e-mail Adam.32@live.nl