Siyaasi Cali Guray Oo Faaleeyay Dilka Madaxwayihii Hore Ee Wadanka Yaman Iyo Mustaqbalkooda Danbe

0
Monday December 04, 2017 - 23:49:16 in by salman abdi
  • Visits: 798
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cali Guray Oo Faaleeyay Dilka Madaxwayihii Hore Ee Wadanka Yaman Iyo Mustaqbalkooda Danbe

    Sida wararka qaar ay tibaaxayaan waxa weerka lagu dilay ka qayb galay 20 tigniko ah isaga oo ka dhaqaajiyay tuulo yar oo koonfurta caasimadda Sanca ah una sii jeeday magaalada Ma'rib ee badhtamaha dalka Yaman.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida wararka qaar ay tibaaxayaan waxa weerka lagu dilay ka qayb galay 20 tigniko ah isaga oo ka dhaqaajiyay tuulo yar oo koonfurta caasimadda Sanca ah una sii jeeday magaalada Ma'rib ee badhtamaha dalka Yaman.


 

Sua’aasha la is waydiinayo ama warbaahinta qaar lagaga doodayo ee ugu muhiimsan ayaa waxay tahay; sidee ayay noqonaysaa xaaladii markii horeba dagaalka ahayd ee dalka Yamani ka dib dilka Cali Cabdalle Saalax? Marka aynu ka eegno dhinaca Xuutiyiinta oo uu hadlay hogaamiyahoodu wuxu dhacdadan ku sheegay mid taariikhi ah iyo guul u soo hoyatay dhinaciisa isaga oo sheegay inay gacanta ku dhigeen dhulkii ciidamada taageersaanaa Madaxwaynaha ay dileen oo dhanna ay iyagu gacanta ku dhigeen.

Taas oo hadi sida uu u hadlay ay u dhacdo ay cidda guulaysatay noqonayso dalka Iran oo waxa Yaman ka talin doona dawlad ay dhiseen Xuutiyiintu iyaguna hogaaminaya oo looga taliyo magaalada Tehran, dalka Iran. Wejiga cusub ee Yaman ayaa wuxu noqonayaa inu meesha ka baxay dalkii carbeed ee la odhan jiray Yaman marka Iran ay ka taliso Badda Cas, gaar ahaan marinka Baabul Mandab iyo Khaliijka Cadmeed oo marka laga reebo dalka Yaman xeebta ugu dheer ee kale ay tahay Somaliland. Iran oo afar caasimadood oo carbeed isla heshay waxa xiga inay Bartilmaameedsadaan dawladaha Khaliijka, gaar ahaan Sucuudiga oo isagu u dhexeeya xuduudaha ugu dheerna la leh laba dal oo labaduba taabicul Iran ah waa Ciraaq iyo Yaman eh.

Markaa sida uu yahay ku talogalka Iran Sucuudigu ugama suwana xabad Sandwich ama is-maris ah. Sidaa ayay daladda Iran doonaysaa inay ugu dhamayso Boqortooyada Sucuudiga ulana wareegto gacan-ku-haynta Makka iyo Madina. Laakiin Iran intaas oo dhami ma u wada suurtogelaysaa? Jawaabtu waxay ku xidhan tahay cidda ku adkaata dagaalka Yaman.

Hadda marka uu burburay is xulafaysigii Xuutiyiinta iyo Xisbigii Mu’tamar Shacbiga hogaamiyihiisiina ay Xuutiyiintu gacantooda ku dileen anigu waxan u arkaa bilawgii jabka Xuutiyiinta.

Waayo marka hore waxay lumiyeen xoog iyo cudub aan la yaraysan karin oo garabkooda ka baxay waxana ka mud ah dhinaca Mikatariga Ciidankii Xaras ul Wadank oo ahaa elite-kii xoogii Yaman. Dalka Yamani waa qabaail wada hubaysan waxana suurtogal ah in kuwo badani ay ka hor ymaadaan Xuutiyiinta.

Wax badani waxay ku xidhan yihiin Maalmaha iyo todobaadyada soo socda waxa idka bedela saaxadda dhulka oo hadii inta ka soo go’day isbahaysigii ay Xuutiyiintu hogaaminayeen ay la soo saftaan Dawladda Sharci ahaan la aqoonsan yahay ee Cabdurabu Haadi saaxadda dagaalku ma noqon doonto sida Xuutiyiintu malaysanayaan waxana laga yaaba in dagaalku isu rogo Xuutiyiinta iyo inta kale saaxadda dagaalkuna ay ku soo ururto Caasimadda Sanca iyo hareeraheeda taasina ay ku keento Xuutiyiinta inay isu bixi waayaan khadadkii taakulaynta ee ciidanadooduna ay go’aan taasina ay ku khasabto in ciidamadooda qaar badani ay ku go’doomaan goobo ka durugsan Caasimadda.

Hadii aan markaa inta goori goor ay tahay Xutiyiintu hankooda ka tanaasulin oonay xabad-joojin ogolaanin dabacan xaalku wuxu noqon ninkii rooni reerka ha u hadho ilaa Xuutiyiinta iyo Yaman mid la waayayo.

Waxan is leeyahay dal Yaman la yidhaa oo looga taliyo Iran marbaba inu jiro lagama yaabo waayo Xuutiyiintu waxay ka yihiin dadwaynaha Yaman wax ka yar 5% .

Markaa bal aan la soconno xaaladda dalka aynu deriska nahay ee Yaman oo dabcan waxa ka socdaa uu samayntiisa inagu leeyahay