Dad Maxkamad Loo Soo Taagayo Inay Qorshaynayeen Dilka Raysal Wasaaraha Ingiriiska

0
Thursday December 07, 2017 - 11:15:08 in by Burco Office
  • Visits: 591
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Maxkamad Loo Soo Taagayo Inay Qorshaynayeen Dilka Raysal Wasaaraha Ingiriiska

    Dad Maxkamad Loo Soo Taagayo Inay Qorshaynayeen Dilka Raysal Wasaaraha Ingiriiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad Maxkamad Loo Soo Taagayo Inay Qorshaynayeen Dilka Raysal Wasaaraha Ingiriiska

Labo qof ayaa galinka dambe ee shalay ka soo muuqday maxkamadda Westminster Magistrates iyaga oo loo haysto in ay maleegayeen sidii ay ku dili lahaayeen ra’iisulwasaraaha Britain Theresa May.


Naa’imur Zakariyah Rahman oo ah 20 jir London degan iyo Mohammed Aqib Imran, oo 21 reer Birmingham ah ayaa lagu soo dacweeyay falal argagixiso.

BBC-duna waxay fahamsan yahay in eedaymahaas ay qayb ka yihiin qorshe ay bambaanooyin oogu weerari lahaayeen albaabada laga galo xafiiska ra’uusul wasaaraha iyo in ay markaas ka dib mindi ku weeraraan ra’iisulwasaaraha.

Askarta waaxda argagixiso la dagaalanka ayaa wiilashan qabtay 28kii Nofembar.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo dib u eegid ammaan lagu sameeyay weerarkii bandhig faneedka Manchester lagu sheegay in ay "arrin loo qaateen ah ay noqon karto” in la dhoho waa laga hortagi karay weerarkaas.

Andrew Parker oo ah taliyaha laanta sirdoonka ee MI5 ayaa shalay ra’iisulwasaaraha iyo golaha wasiirrada la wadaagay sagaal qorshe oo ay kooxo argagixiso ah maleegayeen oo la fashiliyay tan iyo bishii Maarso ee sannadkan.