
Maamulka KULMIYE Ee Berbera oo soo dhaweeyay khilaafkii la soo gunaanaday
Berbera (Afkahacabka.com)Maamulka gobolka saaxil ee xisbiga KULMIYE, Xildhibaanadda Golaha deegaanka Berbera ee laga soo doortay xisbiga tallada haya iyo Badhasaabka Gobolka ayaa soo dhaweeyay go’aamadii guddidii turxaan bixintu ay ku soo afjareen khilaafkii xisbiga KULMIYE.
Xaflad oo maamulka gobolka Saaxil ee xisbiga KULMIYE ay u qabteen arrintaasi ayaa maanta lagu qabtay Magaaladda xeebta ku taalla ee Berbera, waxaana ka soo qeyb-galay badhasaabka gobolka Saaxil, Cuqaal, xildhibaanada goloha deegaanka degmada Berbera, gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil, garabka haweenka xisbiga iyo taageerashaasha xisbiga tallada haya ee magaaladda Berbera.
Gudoomiyaha gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in khilaafka xisbul xaakimka saamayn ku yeelanayay itijaaha siyaasadeed ee dalka, waxaanu ku bogaadiyay hoggaanka iyo siyaasiyiinta KULMIYE bisaylka ay muujiyeen iyo siday uga fikireen midnimada xisbigooda.
"Xisbul xaakimku haddii uu kharibmo dhammaan dalka oo dhan wuu khal-khalayaa, runtii waxa wax lagu farxo ah oo cid kasta oo Somaliland ah ku faraxsan tahay oo xitaa aan ahayn xisbiga Kulmiye soo afjarida khilaafkaas .Waxaan halkan ka hambalyayanayaa hogaanka xisbiga Kulmiye, gudida fulinta xisbiga Kulmiye iyo gudidii soo afjartay khilaafaadka,”ayuu yidhi Badhasaabku.
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil Yuusuf Farac, oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay heshiishka laga gaadhay khilaafkii xisbiga Kulmiye waxaanu yidhi, "Waxaanu aad ugu hambalyaynayanaa is afgaashada ay gaadheen xisbiga Kulmiye iyo hogaankiisa oo aad aanu u hambalyaynayo, waana tallaabo bisayl muujinaysa oo aanu ku bogaadinayno isla markaana aanu kula shaqaynayo,” Gudoomiyihii hore xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil Shiine Cabdi Barkhadle oo munaasibadaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay inay xisbiyadda mucaaridka ahi ku hunguubeen rajo-xumadii ay ka muujin jireen furdaaminta khilaafkii KULMIYE.
"Horta mucaaridkii odhan jiray Kulmiye burburkiisa sariiro ayaanu u dhigaynaa. Waxaan leeyahay waad la weydeene’ sariirihiinii iska laalaabta. Xisbiga KULMIYE waa xisbi weyn oo cudud leh, waanan ku bogaadinaynaa inay dhamaysteen wixii yaraa ee khilaaf ahaa ee dhexdooda yaalay,”ayuu yidhi Shiine Cabdi Barkhadle. Xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka degmada Berbera ee laga soo doortay xisbiga Kulmiye oo munaasibadaasi hadalo ka jeediyay dhammaantood si weyn u soo dhaweeyay heshiiska xisbiga kulmiye gaadhay kuna ammaanay xukuumada Somaliland wax-qabadka la taaban karo ee ay ka fulisay dalka mudadii ay xilka haysay....
Afkashacabka.com
Berbera/Office
Contact@Afkashacabka.com





0 

Maamulka KULMIYE Ee Berbera oo soo dhaweeyay khilaafkii la soo gunaanaday
Xaflad oo maamulka gobolka Saaxil ee xisbiga KULMIYE ay u qabteen arrintaasi ayaa maanta lagu qabtay Magaaladda xeebta ku taalla ee Berbera