Philippe Coutinho Oo Magacaabay Xiddiga Ugu Oradka Badan Ciyaartoyda Kooxdiisa Liverpoo

0
Saturday December 16, 2017 - 19:58:15 in by Burco Office
  • Visits: 1004
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Philippe Coutinho Oo Magacaabay Xiddiga Ugu Oradka Badan Ciyaartoyda Kooxdiisa Liverpoo

    Philippe Coutinho Oo Magacaabay Xiddiga Ugu Oradka Badan Ciyaartoyda Kooxdiisa Liverpoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Philippe Coutinho Oo Magacaabay Xiddiga Ugu Oradka Badan Ciyaartoyda Kooxdiisa Liverpoo

Waxa uu ku dhawaaday xagaagii inuu ku biiro kooxda Barcelona laakiin isagoo la ciyaaraya qaar ka mid ah xiddigaha ugu oradka badan Yurub, Philippe Cutinho ayaa ku jira qaab ciyaareed aad u fiican xilli ciyaareedkan.

Saxiixa ay xagaagii la soo areegtay Liverpool Mohamed Salah ayaa soo jiitay bogaga hore ee wargeysyada isagoo gooldhalinta horyaalka ku hogaaminaya 13 gool.

Xiddigii hore ee Chelsea ayaa heshiis 37.1 milyan ginni uga soo wareegay kooxda AS Roma, waxaana uu shaki la’aan noqday xiddiga ugu muhiimsan ee weerarka Jurgen Klopp.

Waxa ay durbadiiba isfhammeen Coutinho, Sadio Mane iyo Roberto Firmino oo ay afka hore kawada ciyaarayaan.

Coutinho oo wareysi siiyay barnaamijka Sky Sports ka baxa ee Soccer AM, waxaa la weydiiyay xiddiga ugu orodka badan ee kooxda Liverpool jooga.

"Waxaan u maleynayaa waa Mo [Salah],” ayuu ku jawaabay Coutinho. "Aad ayuu u orod badan yahay. Waxaad ku arki kartaa orodkiisa garoonka dhexdiisa. Waa mid waalan.”

Reds ayaa u safreysa berri oo Axad ah kooxda Bournemouth iyagoo rajeynaya inay ka soo kabsadaan barbarihii goolal la’aanta ee ay kala kulmeen West Brom kulankii Anfield ee bartamihii isbuucii la soo dhaafay.