Chamberlain Oo Saxaafadda Ingiriiska Ka Difaacay Philippe Coutinho Intii Lagu Jiray Wareysigii Ciyaarta Kadib & Melissa Reddy Oo Amaantay.

0
Monday December 18, 2017 - 11:33:10 in by salman abdi
  • Visits: 1630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chamberlain Oo Saxaafadda Ingiriiska Ka Difaacay Philippe Coutinho Intii Lagu Jiray Wareysigii Ciyaarta Kadib & Melissa Reddy Oo Amaantay.

    Chamberlain Oo Saxaafadda Ingiriiska Ka Difaacay Philippe Coutinho Intii Lagu Jiray Wareysigii Ciyaarta Kadib & Melissa Reddy Oo Amaantay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chamberlain Oo Saxaafadda Ingiriiska Ka Difaacay Philippe Coutinho Intii Lagu Jiray Wareysigii Ciyaarta Kadib & Melissa Reddy Oo Amaantay.

Saxiixa cusub ee LiverpoolAlex Oxlade-Chamberlain ayaa jawaabta ka boobay xidiga reer Brazil ee Philippe Coutinho iyadoo kooxda ka dhisan Anfield ay isbuucii labaad oo xiriri ah ka caroodeen sida ay TV-yada u dhaqmaan.

Philippe Coutinho iyo Chamberlain ayey Sky Sports u doorteen iney wax ka weydiiyaan wixii ka dhacay Vitality Stadium, balsePatrick Davison oo ay Sky Sports u xilsaartay inuu wareysiyada qaado ayaa su’aal mustaqbalkiisa la xiriirta weydiiyay Coutinho.

Chamberlain ayaa ka dafay hadalka kaas oo jawaab ay ku farxeen jamaahiirta Reds siiyay wariye Patrick Davison: "Wuxuu ahaa xidiga ugu fiican Liverpool intaan arkay xilli ciyaareedkaan oo dhan, maahan cadaalad inaad weydiiso su’aalaha nuucaan ah, ma u maleynaayo. Wuxuu na siiyaa wax walba kulan walba, waana intaas, waan weydiisan karnaa”

Jamaahiirta Reds waxey ugu qanceen si weyn, sida geesinimada leh ee uu OX ugu dhiiraday inuu u difaaco saaxiibkiis isagoo dareensiinaya saxaafadda Ingiriiska iney ka badbadiyeen ka hadalka waxa ku saabsan mustaqbalka Philipep Coutinho.

Wariyaha shabakaddaGOALee u gaarka ah kooxda LiverpoolMelissa Reddy ayaa barteed twitter-ka aad ugu amaantay Chamberlain, waxeyna ku tilmaantay hanaan hadalkiisa inuu qeyb ka ahaa bandhigii uu kusoo bandhigay kulankii Vitality Stadium.

 
 

Alex Oxlade-Chamberlain continues his impressive display through to the post-match TV interview. He interjects as Phil Coutinho is asked about his future and supports his team-mate, highlighting the Brazilian's professionalism and labelling the question unfair.

 
 

 

"Alex Oxlade-Chamberlain wuxuu sii waday bandhigiisa cajiibka ah ilaa wareysiga TV-ga ee ciyaarta kadib. Wuu dhexgalay iyadoo Coutinho la weydiiyay waxa ku saabsan mustaqbalkiisa isagoo taageeray saaxiibkiisa kooxda, isagoo tilmaamay xirfadlenimada xidiga reer Brazil sidoo kalana su’aasha ku sheegay mid aan cadaalad aheyn” ayey barteeda kusoo qortay Melissa Reddy.