Daawo: Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Koonfurta Caasimadda oo ka digay xaalad nabadgelyo darro oo ka iman karta Banka Qoolcade

0
Friday August 01, 2014 - 13:08:42 in by Hargeysa Office
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Koonfurta Caasimadda oo ka digay xaalad nabadgelyo darro oo ka iman karta Banka Qoolcade

    Xukuumaddana uga digay Cawaaqibka ka dhalankara Faro gelin ay sheegeen inay ku hayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumaddana uga digay Cawaaqibka ka dhalankara Faro gelin ay sheegeen inay ku hayso

Madax Dhaqameed Ka soo jeeda gobolka maroodijeex kala ahna Suldaan Cali Baane .Caaqil Aabi . Caaqil Maxamed Weerar, Caqil Cabdi Jaamac Iyo Odayaasha Dega Deegaanka Banka Qoolcaday Ayaa Maanta Si Wada Jir Shir Jara’id Ugu Qabtay Hotel Baane Ee Magaalada Hargaysa .

qol1

Shirkan jaraa’id ayaa ugu horayntii waxaa furay suldaan cali baane waxaanu sheegay in ay ka soo hor jeedaan mashruuca seeraha qoolcaday waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan " dadkan halkan fadhiyaa waa dadkii banka ka talinaayay iyo dano badan oo ay beeshu leedahayba ”

Suldaanka Oo Si Wata Hadalkiisa Aya Waxaa Uu Intaasi Ku Daray " Dunidu waxa cayda la yidhaa ma wanaagsana cidna in la caayo looma baahna danteena ayaynu ka hadlayanaa , banka in lanaga oodo oo lanaga xidho dantayadii wuu noqon waayay hadalku markuu soo uruuro kaas ayunbuu ku saabsanyahay waxaa kale oo jiraa oo runtii ah dunidu waa deegaan oo waa la dagay waddanka Somaliland nabadgalyo ayuu ku noolyahay oo uu ku wanagsanyahay oo aynu ku nimcaysanahay dadka taataabashada ha la iska daayo nin waliba guriga uu yaallo ha iska yaalle sidaasay danta dalkeenuna ku saleesantahay oo ay sax ku tahay "

qol2

Suldaan Cali Baane ayaa xusay in lacagta ay mashruucani ku baxayso aanay ahayn mid ay dawladdu bixinayso balse ay tahay mid hay’ado bixinayaan isla markaana loo baahanyahay ayuu yidhi suldaanku in lacagtaas si kale loogu faa’ideeyo dadka ku dhaqan banka qoolcaday isagoo umuurahana ka hadlayaana waxaa uu yidhi suldaanku " waxaa la ii sheegay in aanay lacagtani ahayn lacag dawladeed balse ay dawlado kale oo ajaanibi inagu caawiyeen lacagta haddi la nagu caawiyay oo ay caawimo ahayd oo la yidhi qoolcaday ayaa lehe ha la siiyo waanu u baahanahay lacagta waanu u baahanahay laakin wixii aanu ugu baahanahay ha la na waydiiyo ee lanoo galinayo taasaanu u baahanahay "

qol3

Suldaanka ayaa carabka ku adkeeyay sida dadka deegaankaasi ugu baahanyihiin mashaarici horumarineed sida riigag loo qodo deeganadaasi iyo dhismaha goobo waxbarasho " Banka ayaanu xidhayna uun ha noola imaninee baahidayadu way ka badantahay intan riigagba lanoo qodi karaa 10,000 ee qoys wax yar ayaa wax karsada way wada masaarif la yihiin wax ha laga siiyo lacagta . waddo ayaa dhismaheedu socda oo iyaduna wax u baahan . in riigag lonoogu sameeyo beeraha ayaanu sheegan karnaa iskuulo iyo jaamcado in lanoo sameeyo ayaanu u baahanahay oo aanu sheegan karana waxaanu u baahanahay in aanu biyo helno waxaanu leenahay waar de waxaad doontaan maahe ninki wax na siinayo waxaanu u baahanahay ha lanoogu qabto oo dhexda ha noo joogsanina hadaad tihiin qolada lacagta gacanta ku haysaa dadku waxay doonaya ha loo qabto "

suldaanka ayaa isagoo ka hadlayaa banka qoolcaday ayaa waxaa uu tilmaamay in banka qoolcaday ay ka faa’idaystaan dad kala duwan oo ka yimaada galbeedka hawdka iyo bariga Somaliland xilliyada abaarta waxaanu yidhi " Bankan yar ka awdal jooga kolka uu doog ka baxo wuu yimaada ka xeebta joogaana wuu yimaada oo kama xidhnaa wixii oodwayne ka sokeeya iyo kuwa ethopia joogaa intuba way yimaadaan oo kama xidhnaa wax maanta u banaan umadda wayn ee Somaliland la yidhaahdo war bal halkaa inagu hagaajiyaa intaasaa jirta . dhulkii bari hore aya la qeybsaday oo lagu kala tagay intan yar dadkaanu u heynaa annagu ma heysanee annagu deegaan ayunbaanu u nahee dadka ayunbaanu u heynaa bal kaalaya immika u sahan tagaa lo’da joogta halka ay ka timmi borama way ka shisheesa bal xoolaha jooga soo eega xeebta ayay ka yimaadeen waxaanu leenahay waar meeshi yarayd ee umadda ilaahay haddi ilaahay wax ka saaro cidi gooni uma cuntee dadkoo dhan ayaa wada cunaa somalialnd oo dhan ayaa isugu timaada waxaanu leenahy ciddi hawsha gacanta ku heysaaay muraadkayga iyo waxaanu u baahanahay waanu garanynaaye ha lanoo baddalo haddi kalena awalba waanu nooleene banna xidhi maynee lacagtiina iska qaata oo iska heystaa " Ayuu Ku Soo Gabogabeeyay Hadalkiisa Suldaan Cali Baane Oo Meel Adag Iska Taagay Mashruuca Seeraha Qoolcaday .

qol4

Geesta kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Caaqil aabi iyo caaqil maxamed weerar oo iyaguna shirka ajaraa’id ka hadlaya ayaa sheegay in dhulka banka qoocaday uu cidhiidhi ku yahay dadka deegaankaasi iyagoo carabka ku dhuftay in talada reerka iyo deeganaka aan waxba laga waydiin oo laga laliyay .

Waxa ay sidoo kale cuqaashu tibaaxeen in banka qoolcaday ay yaalaan dad deegan ah oo aan ka kici kareen maadaama ba yidhaahdeen ay ku leeyihiin beero iyo baraago .

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Oday Maxamed Diiriye Cige ( Daarood) oo ka mida odayaasha muddada dheer deggena banka qoolcaday waxaanu sheegay in dad aad u badani oo deegan ahi ay yaalaan banka isla markaana ay ku adkaatay in ay aqbalaan in dhulkooda loo xidho dad gaara ah .

qol5

Oday daarood ayaa ugu danbeenti xukuumadda ugu baaqay in ay hoos eegaan arrintani talaabana ka qaadaan .

Gabogabadi waxaa isna halkaasi ka hadlay maayerkii hore ee salaxley C/Rashiid Macalin Muuse waxaana uu sheegay in talaabo khaldan loo maray mashruucani isagoo sheegay in ay kala horeeyaan banka waa la xidhayaa iyo side loo jiheenayaa dadka deggen isla markaaana ay muhiim ahayd side dadkan meesha deggen loo jiheen lahaa .

 

Maayerki hore ee degamda salaxley ayaa hoosta ka xariiqay sida maanta dhulka Somaliland loo ootay ee aanay jirin meel la dago waxanu tilmaamay in maanta dadka degen banka qoolcaday aanay helayn meel ay u guuraan haddi laga raro banka .

Waxaa sido kale carabka ku adkeeyay in aanay talaabadan lagu xidhayo banku aanay ahayn mid saxan isagoo meesha ka saaray hadalo dhawaan ka soo baxayay masuliyin ka tirsan xukuumada oo ahaa in Boqor Raabi uu aburayo maleeshiyaad waxaanu nasiib darro ku tilmaamay goorta uu muwaadiniinta xoola dhaqatada ahi ee dhulkooda iyo xoolahooda ilaashanayaa ay noqdeen maleeshiyaad waxaana uu soo jeediyay in raali galin laga bixiyo aflagaadaada loo jeediyay Boqor Raabi iyo muwaadiniinta ku dhaqan banka qoolcaday .



Afkashacbaka.com

Hargeysa / Office

Contact@afkashacbaka.com