
"Cali Khaliif Waxa Uu Noqday Ninkii Aduunka Ugu Oradka Dheeraa, Gobalkaasna Shaqo Manta Kuma Laha, Nin Ay Udhamaatay Weeye." Xildibaan Indho Indho
Xildhibaanku waxa uu sida oo kale sheegay in xuduudka Somaliland ay ku sugan yihiin ciidamadii Somaliland, isla markaana aanay filayn mar danbe in dhibaato ka timaada dhanka Cali Khaliif.
Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho oo warbaahinta la hadlaayayna waxa uu yidhi "Ujeedada aan ka hadlayaa waxa weeye anagu meel fog ayaanu ka nimi oo xuduudka ah oo waxaanu in dhawayd ku maqnayan taleex iyo aageeda, runtiina dhulkaasi nabad ayuu ahaa ciidankii oo xuduudii gaadhay ayaana jooga.”
"Cali hada Xirsi ?(wasiirka madaxtooyada) ayuu saran yahay oo anaga naga tag, maalintii siduu u cararay Cali Bile ayaanu nidhi oo Cabdi Bile ayaan walaalo uga dhignay, waxa lagu sheegaa meel noo jirta 300 KM, xataa xagiisa danbe muu soo eegin, umana malaynaayo inuu ku soo noqonaao, hadaanu moodayno inuu intaa inleeg cararaayona umaanu tag Cali Khaliif waxa uu noqday ninkii aduunka ugu oradka dheeraa, gobalkaasna shaqo manta kuma laha, nin ay udhamaatay weeye.”
Cali Khaliif galay oo xildhibaan ka ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa inta badan dhaq dhaqaaqyo ka sameeya gobalada bariga Somaliland, isaga oo awooda saawa sidii uu halkaas uga yag leeli lahaa maamulka hada madax uu ku sito ee Khaatumo.
"Cali Khaliif Waxa Uu Noqday Ninkii Aduunka Ugu Oradka Dheeraa, Gobalkaasna Shaqo Manta Kuma Laha, Nin Ay Udhamaatay Weeye." Xildibaan Indho Indho
Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu Taleex ka soo laabtay, ayaa ku jees jeesay qaabka Cali Khaliif uu uga cararay shirkii Taleex uga socday Kooxda Khaatumo.