Liiska Ciyaartoyda Manchester United Ee U Safray Everton Oo La Shaaciyay & Jose Mourinho Oo Dib U Helay Laba Xidig Oo Muhiim Ah.

0
Monday January 01, 2018 - 13:51:51 in by Burco Office
  • Visits: 986
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liiska Ciyaartoyda Manchester United Ee U Safray Everton Oo La Shaaciyay & Jose Mourinho Oo Dib U Helay Laba Xidig Oo Muhiim Ah.

    Liiska Ciyaartoyda Manchester United Ee U Safray Everton Oo La Shaaciyay & Jose Mourinho Oo Dib U Helay Laba Xidig Oo Muhiim Ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liiska Ciyaartoyda Manchester United Ee U Safray Everton Oo La Shaaciyay & Jose Mourinho Oo Dib U Helay Laba Xidig Oo Muhiim Ah.

Manchester United ayaa ciyaareysa kulankii 22-aad ee horyaalka Premier League, waxeyna marti u noqoneysaa caawa Everton iyadoo u baahan guul madama aysan wax guul ah gaarin afartii kulan ee ugu dambeysay tartamada maxaliga ah.

Red Devils waxey weyneysaa tiro xidigo muhiim ah waxaana ka mid ah: Zlatan Ibrahimovic oo muddo bil ah garoomada ka maqnaan doona, Romelu Lukaku oo dhaawac madaxa ah uu soo gaaray kulankii Southampton & Eric Bailly oo bishii lasoo dhaafay dhaawac uga baxay garoomada.

Dhibaatada ayaa kusii badatay kooxda Jose Mourinho markii ganaax sadex kulan ah garka loo galiyay Ashley Young oo suxuleeyay Dusan Tadic ciyaartii Saint ee todobaadkaan, sidoo kalana waxaa kooxda horay uga maqnaaMichael Carrick iyo Marouane Fellaini.

Red Devils waxey dib u heshay sadex xidig oo muhiim ah waana daafacyada Smalling, Valencia iyo Matteo Darmian kuwaas oo dhibaatooyin dhaawac kooxda kaga maqnaa.

Inkastoo aan la ogeyn sida uu kulankaan u ciyaari karo Tuanzebe ayaa looga wacay safka isagoo u safray gobolka Merseyside.

Manchester United waxey wajaheysaa caawa tijaabo adag madama ay la ciyaareyso Everton oo qaab fiican ku socota kulamadii ugu dambeeyay.

LIISKA MAN UNITED OO DHAMEYSTIRAN:

De Gea, Romero, Pereira, Tuanzebe, Darmian, Jones, Smalling, Valencia, Lindelof, Rojo, Shaw, Blind, McTominay, Pogba, Herrera, Matic, Lingard, Martial, Rashford, Mata, Mkhitaryan.