Jose Mourinho Oo Antoine Griezmann Ka Doonaya In Uu Xili Ciyaareedka Man United Badbaadiyo Isaga Oo Maamulka Red Devils Arintan Ku Riixaya.

0
Monday January 01, 2018 - 13:55:42 in by Burco Office
  • Visits: 823
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho Oo Antoine Griezmann Ka Doonaya In Uu Xili Ciyaareedka Man United Badbaadiyo Isaga Oo Maamulka Red Devils Arintan Ku Riixaya.

    Jose Mourinho Oo Antoine Griezmann Ka Doonaya In Uu Xili Ciyaareedka Man United Badbaadiyo Isaga Oo Maamulka Red Devils Arintan Ku Riixaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinho Oo Antoine Griezmann Ka Doonaya In Uu Xili Ciyaareedka Man United Badbaadiyo Isaga Oo Maamulka Red Devils Arintan Ku Riixaya.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ka dalbanaya in uu xili ciyaareedka kooxdiisa badbaadiyo isla markaana waxa uu maamulka sare ee Old Trafford ku riixayaa in ay bixiyaan lacagta heshiiska Griezmann lagu burburin karo. Mourinho ayaa sii galaya xaalad xun wuxuuna doonayaa in suuqa January uu xal ka raadiyo.

Jose Mourinho ayaa Greizmann doonayay suuqii xagaagii la soo dhaafay laakiin markii ay FIFA ganaax dhinaca suuqa ah ku soo rogtay kooxda Atletico Madrid ayuu xidiga ree France go’aan ku gaadhay in aanu kooxdiisa ka bixin waqti ay intii ugu badnayd u baahnayd laakiin hadda waxa uu diyaar u yahay in uu baxo.

Manchester Uited iyo Barcelona ayaa ilaa hadda ah labada kooxood ee sida tooska ah ugu dagaalamaya saxiixa Greizmann laakiin Jose Mourinho oo maanka ku haya dhaawacyada soo gaadhayRomelu Lukaku iyo Zlatan Ibrahimovic ayaa doonaya in maamulka kooxdiisa Red Devils ay bixiyaan lacagta 86 milyan ginida ah ee heshiiska Griezmann lagu kansali karo.

Jose Mourinho ayaa jimcihii cadeeyay in kooxdiisu ay ciyaartoy heer sare ah lacago badan ku kharash garayn doonto suuqa xagaaga laakiin waxa uu hadda u baahan yahay ciyaartoy muhiim ah oo safka weerarka shaqo fiican uga qaban kara si uu xili ciyaareedka Red Devils uga badbaadiyo halista uu sii galayo.

Ibrahimovic ayaa muddo bil ah garoomada ka maqnaan doona halka Lukaku uu ku dhex suuxay kulankii Southampton waxaana la qiimayn doonaa xaaladiisa laakiin sidoo kale Ashley Young ayaa saddex kulan oo ganaax ah ku maqnaan doona kadib markii dacwad lagu soo oogay in uu fal dhaqan xumo ah kula kacay Dusan Tadic oo Southampton ka tirsan wuxuuna qirtay danbigan taas oo la micno ah in uu saddex kulan ganaax ku maqnaan doono.

Iyada oo la gaadhay bisha January ee suuqa qaboobaha, ayuu Mourinho maamulka kooxdiisa ka doonayaa in ay Griezmann ka soo bixiyaan lacagta 86 milyan gini ah ee lagu burburin karo heshiiskiisa sida uu shaaca ka qaaday wargayska Express ee England ka soo baxaa.

Laakiin Man United ayaa tartan xoogan kala kulmaysa Barcelona oo iyaduna si wayn u doonaysa saxiixa Griezmann iyada oo waliba kooxda Catalonia ku horaysa loolanka xidigan loogu jiro. Ateltico Madrid ayaa diyaar u ah in ay aqbasho koox kasta oo bixinaysa lacagta heshiiska Griezmann lagu burburin karo haddii uu isagu ogolaado in uu baxo.

Si kastaba ha ahaatee, Mourinho ayuu walwal badani haystaa ka hor kulanka Everton ee ay caawa fiidkii booqan doonaan Goodinson Park iyada oo Lukaku uu seegayo in uu dib ugu laabto kooxdiisii hore waxaana sidoo kale kulankiisii ugu horeeyay ganaax ku maqnaan doona Ashley Young iyada oo Ibrahimovic uu isna liiska dhaawacyada ku biiray.