Jose Mourinho Oo Heshiis Cusub U Kordhin Doona Manchester United – Balse Waa Iney Maamulka Red Devils Fuliyaan Hal Shuruud.

0
Sunday January 07, 2018 - 12:46:53 in by salman abdi
  • Visits: 933
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho Oo Heshiis Cusub U Kordhin Doona Manchester United – Balse Waa Iney Maamulka Red Devils Fuliyaan Hal Shuruud.

    Jose Mourinho Oo Heshiis Cusub U Kordhin Doona Manchester United – Balse Waa Iney Maamulka Red Devils Fuliyaan Hal Shuruud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinho Oo Heshiis Cusub U Kordhin Doona Manchester United – Balse Waa Iney Maamulka Red Devils Fuliyaan Hal Shuruud.

Tababare Jose Mourinho ayaa diyaar u ah inuu qandaraaska u kordhiyo Manchester isagoo gaarsiin doona ilaa 2021, balse waa hadii madaxa fulinta kooxda Ed Woodward uu keeno Old Trafford xidigaha uu doonayo.

Red Devils ayaa magacowday Jose Mourinho xagaagii 2016 si uu badal guuleysta ugu noqdo Louis Van Gaal, balse macalinkii hore Inter Milan, Chelsea & Real Madrid durba waxaa lasoo sheegayaa inuu isaga tagayo kooxda ka dhisan magaalada Manchester.

54-jirkaan wuxuu ku wareeray qaabkii uu ugu hagaajin lahaa qaab dhismeedka kooxda madama Ed Woodward uusan ka saacidin inuu suuga uga soo iibiyo xiddiga uu doonayo, taasna waxey keentay inuu macalinka lug kala baxo kooxda.

WargeyskaThe Sunayaa baahiyay in Jose Mourinho iyo maamulka Red Devils ay qoorta iskula jiraan isla markaana uu u sheegay kaliya inuu kooxda baaqi kusii ahaanayo hadii loo fududeeyo in loo soo xerogaliyo xidigaha uu kooxdiisa ku xoojinayo.

Dhamaadkii December wuxuu qiray in kaliya 300 Malyan oo Pound aysan kaga filneyn inuu kula tartamo Manchester City, waxeyna haatan ka sareysaa 15-dhibcood.

 

Jose Mourinho wuxuu bishaan January doonayaa inuu sameeyo dhawr saxiix, sidoo kalana waa lama huraan inuu xagaaga soo aadan sameeyo dhawr saxiix hadii kooxda ay u ogolaato iney dabooli doonto baahidiisa.

Xidigaha uu suuqa ka doonayo waxaa kamid ah Kieran Tierney, Ryan Sessegnon, Thomas Lemar, Malcolm iyo xidigo kale oo uu ka mid yahiin Danny Rose Iyo Dybala.