Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliya iyo Tarsan oo xilka laga qaadayo

0
Wednesday February 26, 2014 - 03:36:04 in by London Office
  • Visits: 1380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliya iyo Tarsan oo xilka laga qaadayo

    Taliyaha ciidanka booliiska somaliya saacid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliya iyo Tarsan oo xilka laga qaadayo
Taliyaha ciidanka booliiska somaliya saacid

Muqdisho(AFK) Warar hoose oo Farriinnews.com ka heshay kulan deg deg ah oo tarsXukuumadda Somaliya madaxdeeda u saraysaa galeen ayaa sheegaya in goor dhaw xilka laga qaadi doono Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliya iyo Badhasaabka Gobolka Banaadir Maxamed Nuur Tarsan.

Wararka Hordhaca ah ayaa sheegaya in jagada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir loo dhiibayo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Somaliya Xasan Mugaan, hase yeeshee illaa hada lama oga masuulka loo dhiibi doono xilka Taliyaha Booliiska.

Ilo wareedyada ka soo baxaya Madaxtooyadda Somaliya ayaa sheegaya in goor dhaw lagu dhawaaqi doono xilka qaadista iyo magacaabista masuuliyiintan iyadoo sababta soo dadajisay ay tahay xaaladaha dhinaca amaanka eek a sii daraysa ee magaaladda Muqdisho oo ay Xukuumaddu canaan kulul kala kulantay.

Xukuumadda Somaliya ayaa ku as-qawday weerarkii ugu danbeeyey ee ay kooxda Al-shabaab ku weerartay Madaxtooyadda, waxaanay illaa hada ku mashquulsan tahay baadhitaanka cida u fududaysay, wallow Tarsan had iyo goor ku cel celiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, hadana waxa lagu Eedaynayaa in uu xidhiidh la leeyahay waxyaabaha ka dhacaya Muqdisho.

Warbaahinta ayaa la filayaa goor dhaw in Madaxtooyadda looga yeedhi doono si ay u shaaciyaan xil ka qaadista masuuliyiintan isla markaana Farriin ugu noqoto kooxaha ka soo horjeeda maadaama masuulka lagu bedelayo Tarsan yahay nin ay ku tuhmayaan in uu la-dagaalami doono Al-shabaab.

 

Maxamed Nuur Tarsan xasan mugaan guddoomiyaha maxkamadda ciidanka Somaliya

Taliyaha ciidanka booliiska somaliya saacid