DAAWO Wax-Garadka Iyo Wayeelka Beesha Reer Dood Ayaa Shaca Ka Qaday Ugaas Iski Isu Cumaamaday madaxwaynaha Somalilnad Ugu Baaqay Inu Arinka Wax ka Qabto.

0
Friday January 12, 2018 - 17:54:29 in by salman abdi
  • Visits: 785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO Wax-Garadka Iyo Wayeelka Beesha Reer Dood Ayaa Shaca Ka Qaday Ugaas Iski Isu Cumaamaday madaxwaynaha Somalilnad Ugu Baaqay Inu Arinka Wax ka Qabto.

    DAAWO Wax-Garadka Iyo Wayeelka Beesha Reer Dood Ayaa Shaca Ka Qaday Ugaas Iski Isu Cumaamaday madaxwaynaha Somalilnad Ugu Baaqay Inu Arinka Wax ka Qabto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DAAWO Wax-Garadka Iyo Wayeelka Beesha Reer Dood Ayaa Shaca Ka Qaday Ugaas Iski Isu Cumaamaday madaxwaynaha Somalilnad Ugu Baaqay Inu Arinka Wax ka Qabto.

Beenin war Beesha Reerdood isku raacin

Ku: Dhamaan beelaha dega Jamhuuriyada Somaliland (JSL) gaar ahaan Beesha Habarjeclo dal iyo dibadba

Tixraac
1. Caleemo saarka Suldaanka Guud ee Beesha Reerdood iyadoon laysku raacin 31/10/2017)
2. Shaacin caleemo saarka Ugaas Beesha Reerdood 13/01/2018 iyadoon beeshu isku raacin

Ujeedo: Beenin saldanad beesha Reerdood isku raacsantahay
Waxaan halkan ku beeninaynaa war been abuur ah oo laga siidaayey warbaahinta warkaas oo odhanaaya in beesha Reerdood isku raacday inaysamaysato Suldaan Guud oo loo doortay Cabdiraxmaan Adam Maxamed Abyan iyo Ugaas beesha Reerdood yeelato oo loo dooratay Maxamud Axmed Xirsi.
Waxaan dhamaan beelaha dega JSL gaar ahaan beesha Habarjeclo dal iyo dibadba ogaysiinaynaa in aanay habayaraatee waxba ka jirin Suldaan ama Ugaas beesha Reerdood isku raacday inay samaysato.
Sidaas darteed ma taageersanin mana taageeridoono samaynta saldanad aan beeshu isku raacsanayan oo wadajirka iyo midnimada beesha Reerdod wax u dhimaysa.

Sidoo kale waxaanu odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka Jamhuuriyada Somaliland iyo warbaahintaba ogaysiinaynaa una soo jeedinaynaa inay ka fiirsadaan baahinta iyo taageerista saldanad aanay beesha Reerdood isku raacsanayn.

Waxaa soo gudbiyey warbixintan odayaal iyo dhalinyaro ka mid ah beesha Reerdood oo kala jooga dal iyo dibad.