QIIMAYN: Khabiirka Sky Sports Ahna Halyaygii Hore Ee Kooxda Arsenal Ee Charlie Nicholas Oo Sheegay In Gunners Ay Isku Dhex Yaacday Iyo Shan Saxiix Oo Ay U Baahan Yihiin.

0
Monday January 15, 2018 - 20:45:03 in by salman abdi
  • Visits: 784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QIIMAYN: Khabiirka Sky Sports Ahna Halyaygii Hore Ee Kooxda Arsenal Ee Charlie Nicholas Oo Sheegay In Gunners Ay Isku Dhex Yaacday Iyo Shan Saxiix Oo Ay U Baahan Yihiin.

    QIIMAYN: Khabiirka Sky Sports Ahna Halyaygii Hore Ee Kooxda Arsenal Ee Charlie Nicholas Oo Sheegay In Gunners Ay Isku Dhex Yaacday Iyo Shan Saxiix Oo Ay U Baahan Yihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QIIMAYN: Khabiirka Sky Sports Ahna Halyaygii Hore Ee Kooxda Arsenal Ee Charlie Nicholas Oo Sheegay In Gunners Ay Isku Dhex Yaacday Iyo Shan Saxiix Oo Ay U Baahan Yihiin.

Halyaygii hore ee kooxda Arsenal ee Charlie Nicholas oo hadda khabiir kubbada cagta ah ka ah Sky Sports ayaa si adag uga hadlay xaalada ay marayso kooxdiisii hore ee Gunners wuxuuna xusay in Arsenal ay hadda isku dhex yaacsan tahay.Charlie Nicholas ayaa sidoo kale sheegay in Arsenal ay u baahan tahay shan saxiix si ay afarta kaalmood ee sare ee horyaalka Premier League ay ugu dhamaysan karto.

Charlie Nicholas ayaa hadalkiisa ku bilaabay: "Phil Thompson waxa Soccer Saturday uu ku sheegay qalalaase yar, laakiin anigu waxaan arkaa in ay hadda halkaas ka sii fogtahay. Xili ciyaareedkani meesha wuu ka baxay isla markaana ma arki karo halka ay guusha soo socotaa ka iman doonto”.

Charlie Nicholas oo ka hadlaya ciyaartoyda ay Arsenal u baahan tahay ayaa yidhi: "Imisa ciyaartoy ayay iyagu u baahan yihiin si ay dib u dhis u sameeyaan? Sanchez wuu sii socdaa, waxaan wali rajo ka qabaa in Mesut Ozil uu heshiis cusub saxiixo, laakiin waxaan filayaa in shan ciyaartoy ay naga maqan yihiin si aanu u noqono koox afarta sare ah”.

Intaa kadib halyaygii hore ee Gunners ee Charlie Nicholas ayaa sheegay in kooxda Arsene Wenger ay hadda isku dhex yaacday wuxuuna yidhi: "Arsenal way isku dhex yaacday, intaa wax ka badan lama beenin karo. Markii aynu aragnay iyaga oo weerar ku qaadaya Liverpool iyo Manchester United waxay dadku sheegeen in aanu wali koox fiican nahay, laakiin ma jirto dheeli tirnaan ee qaab dhismeedka difaacasho”.

Charlie Nicholas ayaa tusaale u soo qaatay in Jack Wilshere oo waayihiisa ciyaareed lumeen uu noqday xidiga ugu fiican hadda Gunners wuxuuna yidhi: "Daliilka dhabta ah ee sida ay Arsenal dib ugu laabtay waxaa ah in Jack Wilshere uu ahaa xidigii ugu fiicnaa kulankii Bournemouth isla markaana inta kale ay cabsi ugu jireen geeri”.

Charlie Nicholas oo sii qiimaynaya kooxdisii hore ee Arsenal ayaa yidhi: "waxaanu haysanaa Alex Iwobi oo aan gabi ahaanba wax horumar ah samayn oo ciyaaraya markii ay ahayd in la ciqaabo kadib waanu raadinaynaa in Bardeaux lagala soo wareego Malcom laakiin ayaa og inta ay isaga ku qaadanayso in uu Premier League la qabsanayo”.

Ugu danbaynCharlie Nicholas ayaa hadalkiisa ku soo xidhay: "Walwalku wuxuu yahay sida ay u xun tahay in la helaa? waxay ku jiraan kaalinta lixaad wayna sii quusayaan, haddii ay Everton gurigeeda nidaamin lahayd, way ka sii hoosayn kareen, waa wixii aan ka cabsanayay bilawgii xili ciyaareedka isla markaana xiliga aan joogo kuma raaxaysan”