
Borama: Afar Xildhibaan oo khal-khaliyey Dakhliga Dawladda Hoose
Borama(AFK) waxaa saaka subaxii abaaro tobankii iyo badhkii subax nimo dawlada hoose ee degmada borama ka dhacay buuq , kaasi oo sida aan wararka ku hayno la sheegay inuu ka dhashay qaar ka mid ah xildhibanada golaha deeganka degmada borama ku waas
oo lagu eedeeyay in ay rabshadahaasi iyagu sabab u ahaayeen kadib markii ay ay ku gudbeen irida laga galo dawlada hoose baabur yar oo ah Bas ah xiligaas oo lagu gudo jiray hawl maalmeed kii shaqo ee dawlada hoose ee borama isla markaan ay irida ay diyaar ku ahaayeen shaqaalaha u xilsaaran dakhli ururinta kuwaasoo gabi ahaanba u diyaar ahaa qaarkood inay dakhiligii ku so xareyay dawlada hoose qarna dakhligii baan ka tagayay inay inay baanka ku xareeyaan diyaar u ahaayeen balse rabshadahan oo markii danbe keenay buuq iyo sawax fara badan oo xilgaas ka oognaa irida hore ee dawlada hoose
si kastaba ha ahaatee xildhibanadan ayaa bulshada ku soo xoontay saaka dawlada hoose horteeda ay dusha ka saareen eedaymo la xidhiidha in ay dhacayeen dakhliga
dawlada hoose ee boorama iyaga oo gaadhi bas ah oo ay wateen ku hor gooyay albaabka dawlada hoose ee degmada borama halkaasi oo uu marayay gaadhi lagu waday lacag tii dakhliga ee dawlada hoose iyadoo lagu waday baanka borama
xildhibanadan oo dhanaa 4 xildhiban oo kala ah
1. xildhiban xasan miigane rayaale (xasan nimcaan)
2.xildhiban maxamed muumin aadan (kacab)
3.xildhiban mustafe maxamed xasan (xayte)
4. xildhiban mukhtaar cabdilahi ducaale (indho sheed)
waxaa is la markiiba madashaasi soo gaadhay suxufiyiinta magalada borama isla markaana duubay oo sawiro ka qaatay wixii madashaasi ka dhacay iyaga oo warbixin halkaasi ka dhiibtay dad waynihii madashaasi ku sugnaa.
waxaa isna ka hadlay arintan gudoomiyaha magalada borama Saleban Xasan Xadi oo ay su’aalo ku wajahan dhacdadan ka waydiiyeen ayaa isagu waxa uu daaha ka rogay in ay falkan kadanbeeyeen afar xil dhibaan oo uu ku tilmaamay qas wadayaal iyo inay fawdo ka abuureen irida hore ee dawlada hoose ee borama taas oo keentay in ay shaqooyinkii dawlada hoose qaarkood ka baaqdeen qaabkii loo maamulayay gaar ahaan qaybta dakhli ururinta oo aan saaka lagu xarayn baanka shaqaaluhuna ka cabsadeen in la boobo buuq daraadeed
xildhibanadan oo uu shegay markii danbe in ay isku dhaceen bulshada oo qaarkood dhagaxa u qaateen, waxaa kale oo carabka ku dhuftay in hay’adaha amniga iyo madaxda gobolkuba uu gaadhsiiyey arintaas isla markaana maxkamada la horkeeni doono.
waxaa halkasi isna ka hadlayay khasnajiga dawlada hoose Cabdi Suleex Madar oo ahaa ninkii waday dakhliga dawlada hoose oo uu ku xaraynayay baanka borama isaga oo gaadhigiisa wata isla markaana u anba baxay baanka si uu usoo xareeyo lacagta dakhliga
inkastoo aan isku daynay inaan khadka taleefonka ku waraysano xildhibanadaasi maanta falka gaystay ayay noo suurto gali wayday inaan iyagana dhankooda ka waraysano.
Afkashacabka.com
Boorame/office
Contact@afkashacabka.com





0 

Borama: Afar Xildhibaan oo khal-khaliyey Dakhliga Dawladda Hoose
3 nin oo khalkhal galiyay Degmada Boorama Iyo mayirka oo ka hadlay.