Real Madrid Oo Dib U Heshay Xidig Muhiim Ah Ka Hor Kulanka Leganes Ee Habeen Dambe – Balse Wali Waxaa La Sugayaa Ramos

0
Wednesday January 17, 2018 - 18:06:48 in by salman abdi
  • Visits: 901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Dib U Heshay Xidig Muhiim Ah Ka Hor Kulanka Leganes Ee Habeen Dambe – Balse Wali Waxaa La Sugayaa Ramos

    Real Madrid Oo Dib U Heshay Xidig Muhiim Ah Ka Hor Kulanka Leganes Ee Habeen Dambe – Balse Wali Waxaa La Sugayaa Ramos

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid Oo Dib U Heshay Xidig Muhiim Ah Ka Hor Kulanka Leganes Ee Habeen Dambe – Balse Wali Waxaa La Sugayaa Ramos

Real Madrid ayaa dib u heshay xidig mudooyinkii ugu dambeeyay dhaawac kaga maqnaa kaas oo diyaar u noqon kara kulanka habeen dame ay la ciyaari doonaan Leganes – lugta koowaad Copa del Rey wareegiisa quarter final-ka.

Los Blancos dhibaatooyin badan ayaa qabsaday xilli ciyaareedkaan haba ugu darnaato iney inta badan dhaawacmeen xidigaha muhiimka ah, balse tababarkii maanta war farxad leh ayey heleen jamaahiirta madama uu kubadda laaday Karim Benzema.

Weeraryahanka reer France ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqan kara kooxdiisa sanadka 2018, waxaana la filayaa inuu badal ku yimaado kulanka Leganes hadii aysan waxyaabo kale is badalin.

Real Madrid waxaa wali dhaawac kaga maqan kabtan Ramos kaas oo la filayo inuu garoomada soo galo ka hor bisha February, waxaana la hubaa inuu taam buuxa u noqon karo kulanka PSG ee wareega 16-ka koobka horyaalada yurub hadii aysan dhibaatooyin kale kusoo bixin.

Zidane wuxuu waayay xilli ciyaareedkaan dhawr ciyaartoy sababo dhaawac la xiriira, wuxuuna isku diyaarinayaa inuu soo rogaal celiyo madama ay ku jiraan xaalad xun.