Tababaraha Bordeaux Jocelyn Gourvennec Oo Ka Farxiyay Jamaahiirta Liverpool Kadib Markii Uu Kasoo Waramay Xaaladda Xidiga Ay Dooneyso Arsenal Malcom.

0
Wednesday January 17, 2018 - 18:24:36 in by salman abdi
  • Visits: 850
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababaraha Bordeaux Jocelyn Gourvennec Oo Ka Farxiyay Jamaahiirta Liverpool Kadib Markii Uu Kasoo Waramay Xaaladda Xidiga Ay Dooneyso Arsenal Malcom.

    Tababaraha Bordeaux Jocelyn Gourvennec Oo Ka Farxiyay Jamaahiirta Liverpool Kadib Markii Uu Kasoo Waramay Xaaladda Xidiga Ay Dooneyso Arsenal Malcom.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Bordeaux Jocelyn Gourvennec Oo Ka Farxiyay Jamaahiirta Liverpool Kadib Markii Uu Kasoo Waramay Xaaladda Xidiga Ay Dooneyso Arsenal Malcom.

Tababaraha kooxda BordeauxJocelyn Gourvennec ayaa shaaca ka qaaday in Liverpool ay fursad u heysato iney Arsenal ka afduubato saxiixa weeraryahanka reer Brazil Malcom kaas oo si aad u xooran loola xiriirinayo kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Gunners waa kooxda ugu cad-cad sida ay warinayaan saxaafadda Ingiriiska iyadoo 20-jirkaan uu aad u doonayo inuu isaga guuro horyaalka Faransiiska, waxaana warbixinada qaar ay sheegayaan inuu badal u noqon doono Alexis Sanchez.

29-jirk reer Chile waxaa la fahamsan yahay inuu ka bixi doono Emirates Stadium bishaan, balse ilaa iyo hadda arintiisa meel uma dhicin madama aan wali la isku agaasimin wax walba oo la xiriira heshiiska.

Jocelyn Gourvennec ayaa la weydiiyay mustaqbalka, wuxuuna la xiriiriyay Liverpool isagoo meel iska dhigay Arsenal.

"Waxa uu hadda sameeyay, waa waxyar sida uu sameeyay xagaagii hore, ma dhahayo wuu dhibsaday arinkaas, waa mid inyar xoogan, maahan wax dhib badan, balse wuxuu weydiinayaa su’aalo”

"Wuxuu nafsadiisa su’aalayaa waxa u fiican isaga, mustaqbalkiisa, waa wax caqli ah, hadii uu su’aalo weydiiyo, walina wuxuu sameeyaa caawin iyo gooldhalin, waa wax fiican”

"Hadii Liverpool ay dooneyso iney kula shaqeyso berito, waad aadeysaa” ayuu yiriGourvennec taasoo muran badan dhalisay.

"Waxaan ahay tababare, waxaan jeclahay inaan awoodo inaan ku xisaabtamo Malcom isla markaana uu na caawiyo”

"Waxaa jira qof go’aamiya arintaas, waana shaqsiga leh kooxda inteeda badan”

"Wuxuu la hadlay isbuucaan, balse kubadda cagta mar walba waa sideedii”