Halkey Mareysaa Xaaladda Aubameyang Iyo Mkhitaryan Ee Arsenal – Wariyaha Shabakadda Goal Ee Gunners Chris Wheatley Ayaa Ka Warbixiyay.

0
Friday January 19, 2018 - 14:00:10 in by Burco Office
  • Visits: 888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkey Mareysaa Xaaladda Aubameyang Iyo Mkhitaryan Ee Arsenal – Wariyaha Shabakadda Goal Ee Gunners Chris Wheatley Ayaa Ka Warbixiyay.

    Halkey Mareysaa Xaaladda Aubameyang Iyo Mkhitaryan Ee Arsenal – Wariyaha Shabakadda Goal Ee Gunners Chris Wheatley Ayaa Ka Warbixiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkey Mareysaa Xaaladda Aubameyang Iyo Mkhitaryan Ee Arsenal – Wariyaha Shabakadda Goal Ee Gunners Chris Wheatley Ayaa Ka Warbixiyay.

Kooxda Arsenal ayaa sare u qaaday kalsoonida ay ku qabto iney hesho xidigaha labada ah ee Pierre-Emerick Aubameyang iyo Henrikh Mkhitaryan inta lagu jiro bishaan, waxaana lasoo warinayaa iney heshii shaqsi ah ka saxixiday isla markaana wax walba dhaw yahiin.

ShabakaddaGoal.comayaa fahansantay in labada xidig ay ogolaadeen iney kusoo biiraan Arsenal inta lagu jiro bishaan January, waxaana warbixintaan taageerayaasha kubadda cagta la wadaagay wariyaha shabakadda u qaalisan kaliya wararka Gunners eeChris Wheatley.

Arsene Wenger wuxuu raadinayaa ineysan kooxda dareemin ka bixitaanka Alexis Sanchez oo ku dhaw inuu ku biiro Red Devils, wuxuuna durba doonayaa inuu kusoo kordhiyo weerarkiisa xidigo miisaan leh.

Mino Riola ayaa ugu dambeyntii ku qanciyay Gunners in Henrikh Mkhitaryan laga dhigo xidiga ugu mushaarka badan kooxda, sidoo kalana Sanchez ayaa shalay lagu qasbay inuu la tababarto da’yarta kadib markii uu soo xaadiray xerada London Cloney.

Imaatinka Mkhitaryan ee Emirates Stadium waxey fududeyneysaa in Sanchez uu noqdo xidiga ugu mushaarka badan Premier League, dhanka kalana Wenger wuxuu muddo badan xushmad u hayay Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo markii afaraad laga reebay safka kooxdiisa, mana ka qeyb gali doono kulanka caawa ee Herth Berlin.

Sidaas darteed waxaa la fahamsan yahay in labada xidig ee Gabon & Armenia kasoo kala jeeda ay mar kale ku kulmi doonaan hal koox iyagoo waqti kusoo wada qaatay garoonka Signal Iduna Park ee Borrusia Dortmund.