Tababare Arsene Wenger Oo La Weydiiyay Farqiga U Dhaxeeya Ka Bixitaankii RVP Ee Kooxdiisa Iyo Midka Alexis Sanchez Ee Haatan – Yaase Xanuun Badan

0
Friday January 19, 2018 - 14:02:19 in by Burco Office
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Arsene Wenger Oo La Weydiiyay Farqiga U Dhaxeeya Ka Bixitaankii RVP Ee Kooxdiisa Iyo Midka Alexis Sanchez Ee Haatan – Yaase Xanuun Badan

    Tababare Arsene Wenger Oo La Weydiiyay Farqiga U Dhaxeeya Ka Bixitaankii RVP Ee Kooxdiisa Iyo Midka Alexis Sanchez Ee Haatan – Yaase Xanuun Badan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare Arsene Wenger Oo La Weydiiyay Farqiga U Dhaxeeya Ka Bixitaankii RVP Ee Kooxdiisa Iyo Midka Alexis Sanchez Ee Haatan – Yaase Xanuun Badan

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in ka bixitaankii Robin van Persie ee kooxdiisa ay aheyd mid ka xanuun badan Alexis Sanchez oo u muuqda mid kusii dhawaanaya inuu ku biiro Manchester United.

Kabtankii hore Gunners wuxuu ka baxay Emirates Stadium isagoo ku qiimeysan darajo aan caadi aheyn, August 2012 ayuu aduun dhan 24 Malyan oo Pound ugu wareegay kooxdii Red Devils ee Sir Alex Ferguson.

Alexis Sanchez ayaa u muuq mid raacaya wadadaas lix sano kadib, wuxuuna soo afjaray sadex sano iyo bar oo uu ku sugnaa kooxda waqooyiga London ka dhisan isagoo Barcelona kaga yimid aduun dhan 35 Malyan oo Pound sanadkii 2014.

Si kastaba ha ahaatee Arsene Wenger wuxuu aaminsan yahay in bixitaankii Robin van Persie uu aad uga xanuun badan yahay mikaan, madama xidiga reer Holland keeneen Emirates isagoo 26-jir ah markaas oo ay 3 Malyan kaga soo qaateen Feyenoord.

"Waxaan soo qadanay RVP isagoo u ciyaaraya kooxda yar ee Feyenoord, waqti dheer ayaan ka shaqeynay, markaad halkaas kasoo hesho, kadib wey baxayaan, waana midda ugu xanuunka badan” ayuu yiri Arsene Wenger.

Dhanka kale wuxuu qiray Arsene Wenger in heshiiskii Robin van Persie uu ahaa kaliya mid hal dhinac ah, balse midka Sanchez uu yahay mid faa’iido lagu qabi karo madama xidig uu dhankaan soo aadayo.

"Jamaahiirteena waa iney ogaadaan in Sanchez uusan heshiiska kordhin, waa iney aqbalaan ra’yiga, xaqiiqdii maahan arin hal dhinac ah”

"Waxaa jirta wado kale sidoo kale, taasoo arinta dhan inyar qurxineysa, laga yaabee inuu niyad jab yar jiro”

"Waxaan luminay ciyaartoy, haa, balse waxaan heli karnaa mid kale, waxaan filayaa in qof uu badalo kan kale”