Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani Oo Madaxweynaha ugu Baaqay Inaanu Dafirin Hadalkii Mudadii Olalaha Ee Uu Xisbiga Waddani Ku Eedayay Somaliweyn.

0
Sunday January 21, 2018 - 11:16:04 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani Oo Madaxweynaha ugu Baaqay Inaanu Dafirin Hadalkii Mudadii Olalaha Ee Uu Xisbiga Waddani Ku Eedayay Somaliweyn.

    Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani Oo Madaxweynaha ugu Baaqay Inaanu Dafirin Hadalkii Mudadii Olalaha Ee Uu Xisbiga Waddani Ku Eedayay Somaliweyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani Oo Madaxweynaha ugu Baaqay Inaanu Dafirin Hadalkii Mudadii Olalaha Ee Uu Xisbiga Waddani Ku Eedayay Somaliweyn.

Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Muuse Yuusuf Raabi ayaa, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi usoo jeediyey in aanu dafirin qaar kamid ah Haddaladiisii Ololaha Doorashada oo Maanta Warbaahintu wax ka weydiisey kuwaas oo ay kujirto in ay daweeyaan Midnimada Somaliland.

Muuse Yuusuf Raabi Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani waxa uu Madaxweynaha usoo jeediyey in uu Xaal ka bixiyo hadalkaa hore,uga dhacey haseyeeshee,aanu noqon mid uu Wakhtigan si kale u dhigo,isagoo arintaa ka hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabey sidan:


"Midnimada Somaliland ayaa kujirta Madaxweyne in aad Xaal iyo Raali galin ka bixiso,oo ah mid Qaran waayo,Waxaad sheegtay inaad maanta dalka oo dhan Madaxweyne u tahey,waanamidda Daawadu kujirto!,waxaan qabaa in Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi Looga fadhiyey Raali galin in uu ka bixiyo, hadalladiisii ololaha ee aan mar iyo laba aheyn ee ahaa Xisbiga Waddani waa Soomali weyn, damqashadu wey jiraysaa, Waxaan islahaa Madaxweynaha oo Su,aashaa la weydiiyey Siday aheyd ayuu uga jawaabayaa laakiin Meel kale ayuu la marey Hala yaabina haddii ummada reer Somaliland badhkeed ay deedefeeyaan xalaalnimada Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa iyagoo cuskanaya in uu shaley qaranimadooda dafiray,oo waliba yaan la odhan ololihii bay ahayd, oo wax walba( Sax iyo khalad) ololaha lama odhan karo, Ma Somaali weyn baad tihiin baa olole ah? waxaan leeyahay dadku ismay badalin ee waa kuwaad xayndaabka qaranimada somaliland-ba ka saartaye, raaligelin qaran bixi ama ugu soo hagaag wixii aad shalay Fagaare walba ka lahayd waa Soomali weyn”Ayuu Yidhi Muuse Raabi.

 

Isagoo hadalkiisa Sii Watana waxa uu intaa ku darey "Saldanaduhu waa isku xeer , miisaan iyo isku ixtiraam sida ummadu aaminsantahay. Mar haddii hadalkii Boqor Buurmadoow xaflada kalahaa shalayto lagu xidhi waayay , oo Suldaan Xassan shantii goor ee uu marna hanjabayey marna mahadnaqa iyo kala qaybinta ku hadlaayey lagu xidhi waayay, maxaa Suldaan Cune dambiilaha ka dhigay? Ma Waddani baa lagu haystaa? Mise waa Soomali-weyntii Madaxweynuhu Xiligii Ololihiisa sheegayay? Wey dhicikartaa in hadalka Suldaan Cune aanu sax wada ahayn balse maxaa gaarka ka dhigay? Waxaan ugu danbayn, ummada reer somaliland u sheegayaa in inta aanu Madaxweynuhu raaligelin qaran bixin aan cidna lagu ceebsan karin la shaqayn la.aanta Xukuumada Waa waxa sababaya in buuq ka aloosmo arrimo aan sidaaba xasaasi u ahayn”Ayuu yidhi.

"Illaa hadda Waxa muuqata in horeyso iyo danbaysoba xukuumadu ay xasaasiyadaha abuurayso, wada-jirka ummadana aanay xilweyn iska saarin,Madaxweynuhuna uu hadalkiisii maanta afka dhawrsadey Gabaygana duruufaha waqtiga digo-rogiisii dheh!”Ayuu kusoo Gabagabeeyay, Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani Muuse Yuusuf Raabi.