
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo sheegay Gobolka Sool inaanu marti uga ahayn Itoobiya
Waxa Jigjiga kula kulmay Madaxweynaha Kililka shanaad oo taageera Maamul Gobolleedyada Garowe iyo Kismaayo
Jigjigaa(AFK), Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed
Cali ayaa gelinkii dambe ee maanta tegay magaalada Jig-jiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo lagu soo dhoweeyey.
Madaxweynaha dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar, ku xigeenkiisa, gudoonka baarlamanka iyo xubno ka tirsan wasiirada DDSI ayaa madaxweynaha iyo wefdiga la socday soo dhoweeyey.
Dr. Cabdiweli Gaas oo la hadlay idaacadaha gudaha Puntland ayaa sheegay in ay la kulmeen madaxda dowlad deegaanka oo ay la yeelanayaan kulamo xidhiidh ah, kuwaas oo looga hadlayo wada shaqaynta amaanka, xoojinta xidhiidhka ganacsiga iyo deris-wanaaga.
dhinaca kale, madaxweynaha Puntland oo u waramayey caawa idaacada VOA qaybteeda Af-soomaaliga, wuxuu si cad u beeniyey wararka sheegaya inuu Itoobiya kala hadlayey arrimaha gobolka Sool oo Soomaaliland gacanta ku hayso.
Dastuurka ayaa qeexaya gobolad Sool, Sanaag iyo Cayn inay ka tirsan yihiin Puntland sida uu madaxweynuhu sheegay, wuxuu ku sifeeyey qorshaha goboladaas mid dastuuri ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in soo celinta gobolka Sool ay u taalo rabitaanka shacabka deegaanka iyo go’aanka dowladda, balse aanay la tashi uga baahnayn dowladda Itoobiya. Madaxweynaha ayaa Itoobiya ku tilmaamay dal uu xidhiidh ka dhexeeyo.
Dr. Cabdiweli wuxuu ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey xidhiidhka Puntland iyo federaalka, wuxuu sheegay madaxweynuhu inay arintaas ku haboon tahay in wada-hadal lagu dhameeyo oo xal loo helo khilaafka jira.
Afkashacabka.com
Contact@Afkashacabka.com





0 

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo sheegay Gobolka Sool inaanu marti uga ahayn Itoobiya
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo sheegay Gobolka Sool inaanu marti uga ahayn Itoobiya