Luis Suarez: "Kuwa Soo Xaadiray Estadio Benito Villamarin Waxey Fursad U Heleen Iney Daawadaan Kan Ugu Fiican Taarikhda

0
Monday January 22, 2018 - 16:49:47 in by salman abdi
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Luis Suarez: "Kuwa Soo Xaadiray Estadio Benito Villamarin Waxey Fursad U Heleen Iney Daawadaan Kan Ugu Fiican Taarikhda

    Luis Suarez: "Kuwa Soo Xaadiray Estadio Benito Villamarin Waxey Fursad U Heleen Iney Daawadaan Kan Ugu Fiican Taarikhda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Luis Suarez: "Kuwa Soo Xaadiray Estadio Benito Villamarin Waxey Fursad U Heleen Iney Daawadaan Kan Ugu Fiican Taarikhda

Barcelona ayaa guul weyn ka gaartay dhigeeda Real Betis kulan ka tirsan horyaalka La Liga, balse caqabado ayey jamaahiirta martida loo ahaa kala kulmeen wiilasha Ernesto Valverde, taasoo keentay in durba la hadal hayo dhaqankooda.

Weeraryahanka qaranka Uruguay Luis Suarez ayaa amaan kala duldhacay Lionel Messi isagoo si dadban ula hadlaya jamaahiirta soo xaairay Estadio Benito Villamarin, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli labada xidig ay 4-gool dhaliyeen sidoo kalana 3-gool ay caawiyeen wadar ahaan.

Blaugrana haatan 11-dhibcodo ayey hogaanka kaga hayaan Atletico Madrid oo todobaadkaan la hakiyay markii ay soo dhaweeyeen kooxda Girona.

"Dadka yimid garoonka wey ku raaxeysteen. waxey heleen fursad ay ku arkaan ciyaariyahanka ugu fiican taariikhda” ayuu yiri Luis Suarez.

"Wuxuu ciyaaraa kulan walba isagoo saameyn ku yeelanaya, waa mid cajiib ah”

Dhanka kale Luis Suarez waxaa la weydiiyay waxyaabahii ay kusoo tuureen garoonka jamaahiirta Real Betis, balse xidigii hore Liverpool durba wuxuu u muuqday mid aan dooneyn inuu ka hadlo arinkaas.

"Waa arimo kala duwan, tani waa bandhig, qof walba wuxuu doonayaa inuu shaqadiisa qabsado”

"Waxaan jeclahay inaan ka hadlo wax ku saabsan kubadda cagta, kama hadlo waxyaabahaas oo kale”