Eden Hazard Oo Kasoo Horjeestay Qorshaha Ay Kooxdiisa Ugu Dhaqaaqeyso Weeraryahan Kale Oo Lagu Xoojiyo Kooxda.

0
Monday January 22, 2018 - 16:53:04 in by salman abdi
  • Visits: 952
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eden Hazard Oo Kasoo Horjeestay Qorshaha Ay Kooxdiisa Ugu Dhaqaaqeyso Weeraryahan Kale Oo Lagu Xoojiyo Kooxda.

    Eden Hazard Oo Kasoo Horjeestay Qorshaha Ay Kooxdiisa Ugu Dhaqaaqeyso Weeraryahan Kale Oo Lagu Xoojiyo Kooxda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eden Hazard Oo Kasoo Horjeestay Qorshaha Ay Kooxdiisa Ugu Dhaqaaqeyso Weeraryahan Kale Oo Lagu Xoojiyo Kooxda.

Xidiga ugu muhiimsan Chelsea Eden Hazard ayaa dood ka keenay qorshaha ay kooxdiisa ugu dhaqaaqeyso iney kusoo xerogaliso ciyaartoy dhanka weerarka iyadoo kooxda ay heysato Alvaro Morata iyo Michy Batshuayi.

Kooxda difaacaneysa horyaalka waxey si aan la fahmi karin ugu jirtaa suuqa kala iibsiga jiilaalka waxaana si weyn loola xiriiriyay dhawr weerayahan oo aan ka mid aheyn kuwa heerka sare ee ka ciyaara horyaalada yurub.

Andy Carroll,Peter Crouch, Edin Dzeko iyo Ashley Barnes ayaa si weyn loola xiriirinayaya Blues – iyadoo Antonio Conte uu doonayay xidig uu kooxda keeno si uu weerarkiisa ugu helo badal fiican, balse Eden ma qabo fikirkaas.

"Waxaan filayaa inaan ku faraxsanahay kooxda aan heysano, waxey ku xiran tahay sida aad dooneyso inaad u ciyaarto”

"Waxaan heysanaa laba ciyaartoy oo dhanka weerarka ku fiicanMorata & Batshuayi, hadii aysan diyaar u aheyn iney ciyaaraan aniga ayaa ciyaari kara weerarka, sidaas darteed uma maleynayo inaan u baahanahay mid kale”

"Sababtoo ah waxaan lumineysaa fursadda dadka ay ku dhihi karaan waxaan u baahanahay weerar kale, balse hadii aan dhalino goolasha, waxaa nahay kooxda ugu weerarka fiican horyaalka, qofna ma dhihi doono waxaan u baahanahay weeraryahan”

SHARES40

Aragti Ka Dhiib