Man United Oo Dooneysa Iney PSG Ku Garaacdo Saxiixa Xidiga Reer Ivory Coast Jean Michael Seri Kaas Oo Xagaagii Hore Ku Fashilmay Inuu U Guuro Camp Nou.

0
Wednesday January 24, 2018 - 13:08:01 in by Burco Office
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United Oo Dooneysa Iney PSG Ku Garaacdo Saxiixa Xidiga Reer Ivory Coast Jean Michael Seri Kaas Oo Xagaagii Hore Ku Fashilmay Inuu U Guuro Camp Nou.

    Man United Oo Dooneysa Iney PSG Ku Garaacdo Saxiixa Xidiga Reer Ivory Coast Jean Michael Seri Kaas Oo Xagaagii Hore Ku Fashilmay Inuu U Guuro Camp Nou.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Man United Oo Dooneysa Iney PSG Ku Garaacdo Saxiixa Xidiga Reer Ivory Coast Jean Michael Seri Kaas Oo Xagaagii Hore Ku Fashilmay Inuu U Guuro Camp Nou.

Man United ayaa ka mid noqotay kooxaha xiiseynaya burburiyaha xulka qaranka Ivory Coast Jean Michael Seri, sida uu ogaaday hillinka Sky Sports, waana xidigii ku fashilmay inuu xagaagii lasoo dhaafay u guuro Camp Nou.

Xidigaan heerka caalami ee wacdaraha ka dhigay horyaalka France, wuxuuNicekaga soo biiray dhanka iyo kooxdaPacos de Ferreira sanadkii 2015, waxaana la aaminsan yahay in kaliya lagu jabin karo heshiiskiisa 33 Malyan oo Pound.

Qorshaha Red Devils waa xagaaga soo aadan, waana xiliga ay dhaceyso heshiis jabintiisa, waxeyna doonayaan iney ku buuxiyaan booska uu baneyn doono Michael Carrick – kaas oo ku dhawaaqay inuu siibayo kabaha kubadda cagta dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Jean Michael Seri – waxaa lasoo wariyay inuu Barcelona qarka u fuulay intuu lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaagii hore, balse daqiiqadahii ugu dambeeyay dhameystirka heshiiska maamulka Blaugrana ayaa isaga baxay heshiiska.

Madaxweynaha kooxda NiceJean-Pierre Rivere ayaa xaqiijiyay in labada kooxood ay ku heshiiyeen aduun dhan 35 Malyan oo Pound, balse xidigaan wuxuu baaqi ku ahaaday Nice.

Kaliya hal gool ayuu dhaliyay iyo lix caawinaad ah, 26-kulan oo uu kooxdiisa u saftay xilli ciyaareedkaan, haatan kooxdiisa waxey fadhisaa booska 6-aad.