Madaxweynaha Dalka Argentina Mauricio Macri Oo Kala Doortay Diego Maradona & Lionel Messi – Yaase Fiican Labada Halyeey

0
Wednesday January 24, 2018 - 13:23:01 in by Burco Office
  • Visits: 854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dalka Argentina Mauricio Macri Oo Kala Doortay Diego Maradona & Lionel Messi – Yaase Fiican Labada Halyeey

    Madaxweynaha Dalka Argentina Mauricio Macri Oo Kala Doortay Diego Maradona & Lionel Messi – Yaase Fiican Labada Halyeey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dalka Argentina Mauricio Macri Oo Kala Doortay Diego Maradona & Lionel Messi – Yaase Fiican Labada Halyeey

Madaxweynaha ArgentinaMauricio Macri ayaa safar dublamaasiyadeed ku aada Russia, wuxuuna ka hadlay fikirkiisa ku aadan arimaha kubadda cagta dalkiisa, kan wanaagsan Messi & Maradona – iyo hadii qarankiisa ay rajo fiican ka leeyahiin koobka Aduunka.

Marci waa shaqsi aan kaliya lagu aqoonin siyaasadda, sababtoo ah wuxuu door madax ka noqday kooxdaBoca Juniors ee dalka Argentina, sidaas darteed wuxuu qabaa in Messi uu yahay ka fiican marka lala barbardhigo kabtankii hore Argentina Diego Maradona.

"Aniga ahaan mowqifkeyga Messi ayaa ka wanaagsan Maradona” ayuu u sheegay hillinka RT ee laga leeyahay dalka Russia.

"Waa wax la xiriira joogteyn, tirada goolasha iyo sidoo kale sababatoo ah wax walba oo hormar ah, sida kubadda cagta”

"Natiijo ahaan, in la noqdo kan ugu fiican waqtigaan aad ayey u dhib badan tahay marka loo fiiriyo sidii hore, sababtoo ah waa heer kale iyo xawaare kale”

Dhanka kale Marci wuxuu ka hadlay fursadda qarankiisa ee ku guuleysiga koobka Aduunka marka ay u safraan Russia bartamaha sanadkaan.

"Waan aaminsanahay Messi iyo dhamaan ciyaartoyda kale, sababtoo ah waa tartan dhib badan, ka Argentina ahaan waan inaan ilownaa dhaleeceynta ah inaan noqon horyaalka dunida, wax dhib ah ma lahan”

"Inaan gaarnay sadex jeer final xiriir ah waa wax aan caadi aheyn, balse mararka qaar kooxaha waxey leeyahiin nasiib kuwana ma lahan”