Qatbtii 3 aad Sheekadii Fidinta Cidurka Jeegaamaynta ee lagu deedifaynayo dadka qaar ee Maydhane iyo Mooge.

0
Friday January 26, 2018 - 13:05:49 in by salman abdi
  • Visits: 1073
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qatbtii 3 aad Sheekadii Fidinta Cidurka Jeegaamaynta ee lagu deedifaynayo dadka qaar ee Maydhane iyo Mooge.

    Qatbtii 3 aad Sheekadii Fidinta Cidurka Jeegaamaynta ee lagu deedifaynayo dadka qaar ee Maydhane iyo Mooge.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qatbtii 3 aad Sheekadii Fidinta Cidurka Jeegaamaynta ee lagu deedifaynayo dadka qaar ee Maydhane iyo Mooge.

Maudhane. Waar maxaad tidhi ? Mar mar ayaad u hadashaa sida Jaariyadaha Garxajiska ee Jeegaanta u shaqeeya. Mooge. Inader caydu waa calyo. Mana aha macnuhu hadaad caytanto inaad wax iska celisay. Hayna ciyaallaynine wax macno leh aan ka hadalno oo raga aynu la doodno oo la gar naqsano. Maydhane. Miyaanu caytanay run ayaanu sheegaynaaye. Sanadkaa maanta ah bur iyo biyo ayaa loo kalla baxayaa. Madaxweynaha Jeegaantuna tallaabo qaadi maayo , sidaas ha isku daba meeraysato waligeed. Mooge. Dee adeer Fillimkii Baallo Xooftada ahaa ee aynu wada matalaynay ayaad ka dhigtay wax run ahe. Waa sidee? Waar dee sidii laynagaga gar helaayey ayaad wadaan. Madaxwaynaha waynu ruxaynaa ayeynu isku ogayne kumaynaan wada socon dalka aan baabiino. Maydhane. adeer haduu dalku baaba,ayo maxaanu ku qabnaa? Wadanka cidbaa nimcadiisa haysatee. Bal Dawlada uu soo dhisay eeg muxuu na siiyey hadaanu H Yoonis nahay? Wasaarada Ciyaaraha iyo Wasarada Reer Miyiga, weligeed nin Isaaq ah lama siinin Ciyaaraha. Anaga oo ah Libaaxii Isaaqa. Anaga oo ah Ragii dilay Gaalkii ugu weyna ee la odhan Jiray (Giib) Anaga oo ah Ragii Seydka iyo Daraawiish ka adkaaday. Anaga oo ah Ragii Geellii Hagoogane soo qaaday. Anaga oo ah Ragii Burco isku laba rogay. Miyaa maanta la na yasi karayaa. Jeeroow Gaal Madaw Herer ku dilo (Giiba laga noolle oo Dumar Gambo cad soo xidhaan Gabaygu waa been) Adeer tan waanu qalibaynaa haday adiga lexo jeclo kaa hayso. Mooge. Waar maxaa kaa si ah inader horta? Maxaad ugu hadashaa sidii nin Ciil la baday oo Riciyad laga adkaaday ah? Mida kale miyaad ilowday durba Garxajisnimadii aan kulla socday? Waa maxay magacan kale ee aad durba sheeganaysaa? Waxaad ka hadlaysaa uun Reerkiina oo anigii aad i wadatay ayaad xitaa iska kay iloobaysaa. Meeday Garxajisnimadii aynu wadnay? Waar horta yaan lagaa maqlin mar danbe inaad Hunguri ka hadasho xaga Dawlada uu soo dhisay Muuse. Hadii kale waxaa lagu moodi doonaa in waxaaguba meel yar oo soke yihiin. Maxaa kaa gallay Wasiirada adigu ma Madaxweynihii Doorashada helay ayaad tahay? Maydhane. Waar adiga laftaada adeer meellaha qaar ayeynu ku kalla duwan nahay. Maxaa anaga la na siiyey? Dawladii banaanka ayaanu ka taagan nahay hadaanu (Dhab Libaax) nahaye. Waan ogahay adiga waxaagu waa gaado ka ciyaar. Maxaa yeellay? Wasaaradii Lacagta ee ugu weynayd Dalka iyo Baankii labadaba adinka ayaa haysta. Labadaas iska soo celiya horta ileen khalad ayaa ku haysataane. Mooge. Waar Waalida noocan ah kumaan arag weli Geeska Africa. Ninkii aanu Garxajiska wada ahayn ee aan kulla socday Gardarada, anaga oo aan meelba gaadhin ayuu iila soo baxay dabeecadiisii runta ahayd. Waar waa bilaa Garxajise oradoo ku waallo Laan Mulaaxo anigu waaban iska nasanayaaye. Waaryee ku yee " iska soo wareeji Xilalka aad hayso adigu ma geydide. Anigaa ayey igu wanaagsan yihiin oo Dhab Libaax ahe. Adeer hadaad adigu Dawlada magacaabayso dee horta Madaxweyne noqo. Maydhane. Waar nacaska xumi miyuu cadhooday. Dee inader waan yara taraaraye raali ahaw. Waxba ma kalla nihin inagu, wallaalkaa oo kaa yar ayaan ahay ama Shoodhahaagiiye, oradoo Bakhaarkii adiga iyo Magaciisi kii Reer Gaarroodi waan illoobay Magaciisiiye ka qaata lacag. Sheekadeenana hoos u dhig yaan la odhanin ayagii ayaaba is haystee. Yaan cadawga iyo Jeegaantu inagu wiirsanine. Mooge. Waar horta lacag badan noogu balami Bakhaarka ileen waxaad rabtaa Wasaaradii Maaliyada iyo Baankii aad afkaaga ka sheegtaye. Anaga ayaaba kulla raadinayna hadaad intaas uun ku bogsanaysee. Maxaa naga gallay anaga kuwa joogaa ma qaadkay noo qaadayeen? Waar adeer aduunku waa maslaxad iyo inaad danta gurigaaga ka hadasho. Anaga ma geel iyo adhi ayaa noo daaqaya mise Bakhaaro ayaa Ceelka Herer nooga furran. Adeer weliba Meyer ku Xigeenka Hargeisana noo kaash gareeya oo isagana aynu ka heshiino qiimihiisa. Anagaa kalla tuuraynee. Kaam shuuf macadallaa huudhi. Meydhane. Waar waan kugu ogaa raganimadaas iyo caqligaas waa waxa aan tallada Garxajis kuugu dhiibay. Xiniinyo cade aabahaa ayaa tallin jirey hhhh yaa inader haa haa haa heey. Waar weligeedba tallada iyo dulqaadku Ciidagale ayey fadhiday. Dee ma kaa dhabaa inader tan Meyer ku Xigeenka? Way fududahay oo iyadu markaba waynu kalla tuuraynaa. Kii yaraa isaguna UK ayuu ku maqan yahay. 7 xildhibaana waan hayaa inta kallana waynu iska baadh baadhan. Waar caawa shir aynu Kuraasta ku kalla basrinayno ayeynu isku imanaynaaye. Dadka haynagu soo badinine labadiinii oo kaliya haynoo ahaato halkii Kaah Hotel Qolka yar ee xaga danbe Bacda Cishaayi. Wixii sanqadhu u baxdana Khaawisaada u dhiiba yey idinka daba quuq layne. Haa dee inader alla caqliweynaa Ciidagale. Labadaan isla waayey allayle maanta ayaan isla hellay Caqligii Ciidagale iyo Cududii Dhab Libaax. Mooge. Dee adigii ayaa durba isku wishiiriyaya. Adiga ayaaban ka baqayaa inaad na kashifto oo aad is basaasto.