Booliiska Zanzibar oo bilaabay baadigoob kadib qaraxyo lala beegsaday kaniisado iyo makhaayado

0
Wednesday February 26, 2014 - 07:42:39 in by London Office
  • Visits: 1411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliiska Zanzibar oo bilaabay baadigoob kadib qaraxyo lala beegsaday kaniisado iyo makhaayado

    sniintii, ayaa qarax ka dhacay kaniisanadda Anglicanka, oo ah dhisme taariikhi ah oo ku yaal badhtamaha waddooyinka yar yar ee meer-meerka ah ee magaalada Stone Town, qaraxaas oo dhaawac yar gaadhsiiyay darbi iyo gaadhi albaabka agtiisa la dhigay. Qa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sniintii, ayaa qarax ka dhacay kaniisanadda Anglicanka, oo ah dhisme taariikhi ah oo ku yaal badhtamaha waddooyinka yar yar ee meer-meerka ah ee magaalada Stone Town, qaraxaas oo dhaawac yar gaadhsiiyay darbi iyo gaadhi albaabka agtiisa la dhigay. Qaraxa kale ayaa ka dhacay meel u dhaw Mercury, oo ah


makhaayad iyo meel lagu caweeyo oo caan ku ah dalxiisayaasha.

"Waxaan baadigoobaynaa dadkii ka danbeeyay weerarradan," Taliyaha Booliiska Zanzibra Hamdan Omar Makame, ayaa sidaas yidhi. "Waan soo qaban doonnaa, waxanaan dadka waydiisanaynaa in ay nagu kaalmeeyaan raadinta tuugadaas argagaxa aan loo baahnayn ka sameeyay Zanzibar."

"Waxaan tuhunsan nahay in waxyaabaha qarxay guryo dhaxdood lagu macmalay kadiba tuugo aan la aqoonsan ay tuureen," Kaaliyaha Taliyaha Booliiska ee aagga Zanzibar Urban West Mkadam Khamis Mkadam ayaa wariyayaasha u sheegay. "Baadhayaasha ayaa wali wada in ay ogaadaan tafaasiisha qaraxyada iyo sababihii ka danbeeyayba."

Bam kale oo macmal ah ayaa Axaddii kaniisad lagu tuuray, kaas oo qarxay laakiinse aan wax khasaare ah keenin.

"nasiib wanaag qalabka ayaa ku dhacay meel bannaan xiligii salaadda Axadda lagu jiray. Waxaa jiray jahawareer ka hor intii uusan booliisku imaanin oo wixii ka soo hadhay uusan qaadin," Leonard Zubeir oo ahaa goobjooge ayaa u sheegay Sabahi. "Qofna kuma dhaawacmin."

Xaalad kale oo tan ka gadisan, ayaa hal qof ku dhintay isbitaalka laba kalana ay xaaladdoodu aad u xuntahay kadib markii ay ku dhaawacmeen qarax Isniintii ka dhacay tuulada xeebta ku taal ee Unguja Ukuu, taas oo qiyaastii 41 kiiloomitir koonfurta kaga aadan Zanzibar.

Simai Hussein, oo ka mid ah dhibanayaasha ayaa u sheegay Sabahi in nin kaluumaysato ah uu qaaday walax maar ka samaysan isaga oo u malaynaya "in la dhalaalin karo oo laga dhigi karo bir wayn oo uu ku xidhi doontiisa kaluumaysaiga. Xiligii lagu jiray dhalaalinta birta, ayay qaraxday taas oo afar qof ku dhaawacmeen."



AFKASHACABKA.COM
KENYA/OOFICE
CONTACT@AFKASHACABKA.COM