Tababaraha Xulka Qaranka Spain Julen Lopetegui Oo Ka Hadlay Xaalada Adag Ay Xidigaha Isco Iyo Asensio Kaga Sugan Yihiin Xili Ciyaareedkan Kooxda Real Madrid

0
Tuesday January 30, 2018 - 21:21:31 in by salman abdi
  • Visits: 1011
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababaraha Xulka Qaranka Spain Julen Lopetegui Oo Ka Hadlay Xaalada Adag Ay Xidigaha Isco Iyo Asensio Kaga Sugan Yihiin Xili Ciyaareedkan Kooxda Real Madrid

    Tababaraha Xulka Qaranka Spain Julen Lopetegui Oo Ka Hadlay Xaalada Adag Ay Xidigaha Isco Iyo Asensio Kaga Sugan Yihiin Xili Ciyaareedkan Kooxda Real Madrid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Xulka Qaranka Spain Julen Lopetegui Oo Ka Hadlay Xaalada Adag Ay Xidigaha Isco Iyo Asensio Kaga Sugan Yihiin Xili Ciyaareedkan Kooxda Real Madrid

Tababaraha xulka qaranka Spain Julen Lopetegui ayaa wuxuu ka hadlay xaalada adag ay kaga jiraan kooxda Real Madrid xidigaha Marco Asensio iyo Isco maadaama aysan boos joogta ah ka heysan kooxda uu maamulo Zinedine Zidane, xili lagu sii dhawaanayo xiliga uu qabsoomi doono koobka aduunka ka dhici doona dalka Russia sanadan 2018.

Julen Lopetegui wuxuu ka qeyb galay xafladii Sports Press ayaa wuxuuna kaga faa’ideystay ka hadalka xaalada ay kaga sugan yihiin xidigaha Marco Asensio iyo Isco garoonka Santiago Bernabeu, wuxuuna walaac xoogan ka muujiyay inaysan waqti ku filan u heli waayaan koobka aduunka soo aadan ee lagu qaban doono dalka Russia.

Macalinka xulka Spain ayaa yidhi mar uu ka hadlayay labadan xidig: "Marco Asensio iyo Isco waa labada xidig muhiim u ah xulka qaranka Spain iyo kubada cagta dalka Spain, balse waxa aan ka walwalsanahay ayaa ah in aysan helin waqti ku filan marka loo fiiriyo xaalada ay kaga sugan yihiin kooxda Real Madrid”.

Francisco Isco ayaa si toos ah u galay kursiga keydka ee kooxda Real Madrid tan iyo markii uu kasoo laabtay xidiga reer Weles ee Gareth Bale dhaawacii uu inbadan lasoo dhibtoonayay, halka Marco Asensio oo xili ciyaareedkan kaga bilaawday si wanaagsan uu si layaab leh Zidane u dhigay kursiga keydka ee kooxda Los Blancos, xili Julen Lopetegui uu xaaladooda walaac xoogan ka muujiyay.

Xaalada Isco iyo Marco Asensio ayaan fiicnayn iyada oo waliba ay xaaladoodu sii xumaanayso kadib markii uu Gareth Bale soo laabtay isaga oo qaab ciyaareed fiican ku jira. Isco oo waqti fiican ku haystay shaxda Zidane ayaan soo bandhigin qaab ciyaareedkiisii fiicnaa isaga oo ka mid noqday xidigaha eedaynta loo soo jeediiyay balse hadda waxa uu ku laabtay kursiga kaydka.