Wasiirki hore ee aramahadibada Somaliya oo shacisay inay Maxkamadeynaysa Wakaaladda Wararka Ee Reuters

0
Wednesday February 26, 2014 - 07:57:46 in by London Office
  • Visits: 1303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirki hore ee aramahadibada Somaliya oo shacisay inay Maxkamadeynaysa Wakaaladda Wararka Ee Reuters

    Wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden, ayaa aad uga biyodiiday ka xanaqday war-bixin ay baahisay wakaalada wararka ee Reuters, taasi oo nuxurkeedu ahaa in Foosiya ka mid ahayd Masuuliyiin Guddoomi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden, ayaa aad uga biyodiiday ka xanaqday war-bixin ay baahisay wakaalada wararka ee Reuters, taasi oo nuxurkeedu ahaa in Foosiya ka mid ahayd Masuuliyiin Guddoomiyihii hore ee Baanka Soomaaliya, Yusur Abraar ku khasbay inay Bangi ku yaala dalka Imaaraadka ka furto Akown (Account) lagu shubo lacag la musuqmaasuqayey, taasi oo keentay in Yusur Iska casisho Guddoomiyenimadii Baanka dhexe ee Soomaaliya.

Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden, oo laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, waydiisay waxa ay ka odhanayso war-bixintaasi, ayaa sheegtay in aanay warkaasi waxba ka jirin isla-markaana ay maxkamad la tiigsanayso wakaalada wararka ee Reuters, oo ay ku eedaysay inay war-bixintaasi ku fadeexadaysay, iyada oo aan waxba ka waydiinin.

Wasiirkii hor ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden oo arrimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi "Reuters, nasiib daro iyada oo aan cidna waxba waydiinin ayay warka iska qoreen, waxayna u barteen in Soomaalida wixii la doono laga qoro aan laga deba tagin, waxayna anniga iyo Madaxwaynaha (Xasan Sheekh) nagu eedaynaysaa inaanu Guddoomiyihii hore ee baanka ku khasabnay inay xisaab (Account) furto, oo laga yaabo in lacag lagu xado, meel ka dhac weyn ayay sameeyeen, Reuters-na jawaab adag ayaan u qoray, waxaana u sheegay inaan Looyaro kala tashanayo, waxaanan diyaar u ahay inaan Maxkamad ku soo taago arrintaasi”

Foosiya oo sii hadlaysa ayaa sheegtay "Anniga iyo Madaxwaynahaba waxay naga dhigeen dad dalka Dambi ka galay, markaa Reuters waanu kala xisaabtamaynaa, caddaymana waanu ka rabnaa” ayay tidhi, Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden.


SALMAAN XASAN  CABDI
AFKASHACABKA.COM
KENYA/OOFICE
CONTACT@AFKASHACABKA