Dowladda Kenya oo 'dhaartii Raila' u xidhxidhay siyaasiyiin

0
Friday February 02, 2018 - 12:54:59 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo 'dhaartii Raila' u xidhxidhay siyaasiyiin

    Xukuumadda Kenyan ayaa xirtay siyaasiga ka tirsan mucaaradka oo ka qaybgalay xafladdii uu madxwaynanimada isugu dhaariyay Raila Odinga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Kenyan ayaa xirtay siyaasiga ka tirsan mucaaradka oo ka qaybgalay xafladdii uu madxwaynanimada isugu dhaariyay Raila Odinga.

Booliiska ayaa gurigiisa ugu dhacay siyaasiga Miguna Miguna halkaasi oo ay ka soo qabteen.

Xarigiisa ayaa ku soo beegmaya ka dib siyaasi kale oo mucaaradka ka tirsan oo lagu magcaaabo Tom Kajwang oo arbacadii la xiray.

Kajwang ayaa shalay damaanad ay ku siidaysay maxkamad ku taalla magaalada Nairobi.

Waxa uu isna ka qaybgalay xafladdii uu madaxwaynanimada isugu dhaariyay Raila Odinga.

Dhanka kale waxaa wali hawada ka maqan saddex Telefishan oo ay dowladda Kenya xirtay Talaadadii.

Shalay ayay ahayd markii maxkamada sare ee Kenya ay amartay in dib loo furo telefishinadaasi.

Mr Odinga ayaa sheegay in uu isagu ku guulaystay doorashadii madaxwaynanimada sanaddii aanu soo dhaafnay balse looga shubtay.

Gudiga doorashada Kenya ayaa waxay sheegeen in doorashada uu ku guulaystay madaxwayne Uhuru Kenyatta.