Xoogaga Shabaab oo weeraray Saldhig ciidamada ku leeyihiin duleedka Qoryooley

0
Saturday February 03, 2018 - 11:17:05 in by salman abdi
  • Visits: 521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Shabaab oo weeraray Saldhig ciidamada ku leeyihiin duleedka Qoryooley

    Xoogaga Shabaab oo weeraray Saldhig ciidamada ku leeyihiin duleedka Qoryooley

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Shabaab oo weeraray Saldhig ciidamada ku leeyihiin duleedka Qoryooley

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Al Shabaab iyo kuwa dowladda ayaa ka dhacay duleedka Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha hoose, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada dowladda.

Dagaalka oo Shabaab ay soo qaadeen, ayaa waxa ay ku weerareen tuuladaDal-biyaango oo ku dhaw deegaanka Danow ee duleedka Degmada Qoryooley.


Ku dhawaad saacad ayaa la sheegay inuu socday dagaalkaan, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay hal askari inuu kaga dhintay weerarkaasi, dhankoodana ay dileen laba ka mid ah Shabaab sida ay sheegeen.

Al Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen gacan ku haynta Saldhiga ay weerareen, inkastoo ay sheegeen markii dambe inay isaga baxeen.

Dadka deegaanka tuulada dal-biyaango ayaa sheegay dagaalka halkaasi ka dhacay inuu ahaa mid culus oo dhawaqa rasaas kala duwan ay maqlayeen.

Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa saaka gaaray goobtii xalay dagaalka uu ka dhacay oo ay ka muuqdaan raadadkii dagaalka xalay.