Danjire Keating Oo Sheegay Inay Biixi Iyo Farmaajo Diyaar U yihiin Bilowga Wada Hadalada Somaliland Iyo Somalia.

0
Saturday February 03, 2018 - 11:43:11 in by salman abdi
  • Visits: 557
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjire Keating Oo Sheegay Inay Biixi Iyo Farmaajo Diyaar U yihiin Bilowga Wada Hadalada Somaliland Iyo Somalia.

    Danjire Keating Oo Sheegay Inay Biixi Iyo Farmaajo Diyaar U yihiin Bilowga Wada Hadalada Somaliland Iyo Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjire Keating Oo Sheegay Inay Biixi Iyo Farmaajo Diyaar U yihiin Bilowga Wada Hadalada Somaliland Iyo Somalia. Ergayga Qaramada Midoobay danjire Michael Keating ayaa sheegay in madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ay ku fooganyihiin bilowga wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee hakaday.

Danjire Keating oo qayb ka ahaa warbixin ay Somaliland ka diyaarisay xarunta caalamiga ah ee The Council on Foreign Relations (CFR), wuxuu sheegay in labada madaxweyne diyaar u yihiin wada hadalada Somaliland iyo Somaliya inay bilaabaan, "Biixi iyo Farmaajo waa u diyaar [wada hadalada]” ayuu ergayga Qaramada Midoobay yidhi, waxaanu tilmaamay arrimaha laga yaabo inay ka wada hadlaan, "Wada hadalada waxa diiradda lagu saari karaa arrimo guud, sida abaaraha, burburka deegaanka, ammaanka; arrimaha badaha iyo maamulka hawada.” ayuu yidhi ergaygu.
Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire oo isna madashan la hadlay ayaa sheegya inay Somaliland diyaar u tahay inay iska kaashadaan Soomaaliya arrimaha la dagaalanka argagixisada, sugidda cuntada, laakiin ay tahay haddana inay labada dhinac isu aqoonsadaan laba qaran oo madaxbanaan oo wadamada Afrika ka tirsan.


XIGASHO GEESKA