Talaabada Ay Dawladu Ku Dhawaaqday Ee Sicir Bararka Daawo Maaha Ee Dib Ha Loogu Noqodo.

0
Saturday February 03, 2018 - 11:43:11 in by salman abdi
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talaabada Ay Dawladu Ku Dhawaaqday Ee Sicir Bararka Daawo Maaha Ee Dib Ha Loogu Noqodo.

    Talaabada Ay Dawladu Ku Dhawaaqday Ee Sicir Bararka Daawo Maaha Ee Dib Ha Loogu Noqodo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaabada Ay Dawladu Ku Dhawaaqday Ee Sicir Bararka Daawo Maaha Ee Dib Ha Loogu Noqodo.

Md. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay qodobada ay Xukuumaddu ka soo saartay wax ka qabashada sicir bararka, waxaanu xusay in aanay haboonayn qodobadani, waxaanu sheegay in adeegyada Zaadka iyo Edahabka ee ay Xukuumaddu xadiday in aanay sabab u ahayn sicir bararka balse lacagta la soo daabacayo ay tahay sababta sicir bararka, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay talaabo kale qaado.
Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi "Arintan la leeyahay Zaadka iyo Edahab yaan la isticmaalin, wax boqol ka yar yaan lagu isticmaalin, dadka lala dagaalamayaa maaha dadkii lacagta haystay ee waa dadkii danyarta ahaa, ee masaakiinta ah dadkii masaakiinta ahaa ee waxa yar wax ku iibsan jiray ayaa lala dagaalamaya, oo la xanibayaa, taasina dhaqaalaha oo dhan dhibaato ayey galinaysaa, boqolkiibiiba sideetan dadka danyarta ahi waxay Mobiladooda ku isticmaalan hawlahooda iyo baahiyahooda, oo xitaa dadka miyiga jooga ayaa toban doolar labaatan doolar soddon doolar ilaa shan doolar loo diraayey, laakiin imika dhibaato ayey ku noqonaysaa, markaas aniga waxay ila tahay in arintani tahay arin aan si hagaagsan looga fikirin, Sicir bararkana waxa u hooyo iyo aabo ah lacagtan la soo daabacayo, oo Dawladdu lacagtii kaashka ahayd ee ay soo daabaaysay ayey doolarkii ku guranaysa, Doolarka ina soo gala dibadda ayuu inooga yimaada oo dadkeena ayaa loo soo diraa, Doolarkaas badankiisa waxa lagu iibsadaa oo lagu qaata lacagtaas la soo daabacay, lacag kale oo adag oo ina soo gashaana ma jirto, markaas waxay noqonaysaa maalin dhaw in Somaliland waxba dibadda looga keenin, oo dadka wax soo iibsada shilin waxba kuma soo iibsadaan, Dawooyinka aynu soo iibsanayno maxaynu ku soo iibsanaynaa ma Dawladda ayaa ina sisa, su’aashaas jawaabteedu waa maya, ta kale Somaliland magaca weyn bay ku lahayd Zaadka iyo Edahabka, oo meelaha ugu horeeya ee la majeerto ayey ahayd, madaama ay dadka wax badan u fududeeyeen, laakiin talaabada ay Dawladdu ku dhaqaaqday ee sicir bararko daawo maaha ee dib ha ugu noqoto”