Liverpool Oo Heshay War Farxad Leh Kadib Markii Lucas Uu Tababarka Dib Ugu Soo Noqday.

0
Wednesday February 26, 2014 - 08:21:11 in by London Office
  • Visits: 1367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool Oo Heshay War Farxad Leh Kadib Markii Lucas Uu Tababarka Dib Ugu Soo Noqday.

    Xiddiga heerka caalami Ee xulka Brazil iyo kooxda Liverpool oo mudo fog garomada kaga maqnaa dhawac soo gaaray bartamihii January, iyadoo loo wada qaatay in Lucas Leiva uusan garomada soo caga dhihi doonin inta ka dhiman xilli ciyaaredkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga heerka caalami Ee xulka Brazil iyo kooxda Liverpool oo mudo fog garomada kaga maqnaa dhawac soo gaaray bartamihii January, iyadoo loo wada qaatay in Lucas Leiva uusan garomada soo caga dhihi doonin inta ka dhiman xilli ciyaaredkan.


Kooxda ku ciyaarta gegeada Anfield ayaa heleysa war farxad leh iyadoo la sadaalinayo in Lucas Leiva uu si toos ah garomada dib ugu soo noqdo bisha March, wuxuna 27 jirkan uu barta bulshada Ee Instgram soo dhigay Video muujinaya soo kabsashadisa uuna tababar gooni ah qaadanaya

 

Brenden Rodegers ayaa soo dhaweyn doona soo noqoqhsada Lucas Leiva, isagoo baahi weyn u qabay ciyaaryahan khadka dhexe Ee daafaca ka ciyaara, wuxuna inbadan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda uu bisha January ka raadinayay ciyaaryahan uu bedel uga dhigo Lucas.

Liverpool ayaa wajaheysa dhibaatoyin dhanka daafaca ah iyadoo ay kooxda dhawacyo uga maqnayeen xiddigo dhowr ah oo goor dhow garomada dib ugu soo noqday sida Glen Johanson, iyo Daniel Agger, waxana la rajeynaya in Lucas Leiva uu si taam ah ugu soo kabsado dhawaci soo gaaray bartamihii Janaayo.

MARKASTA AFKASHACABKA KA DHEEGO CIYARAHA UDANBAYAY

AFKASHACABAK.COM
CONTACT@AFKASHACABKA