Qaybtii 11 aad Sheekadii fidinta Cudurka Jeegaanta ee Denbiga looga dhigaayo dadkeena qaar

0
Monday February 05, 2018 - 12:07:25 in by salman abdi
  • Visits: 1041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybtii 11 aad Sheekadii fidinta Cudurka Jeegaanta ee Denbiga looga dhigaayo dadkeena qaar

    Qaybtii 11 aad Sheekadii fidinta Cudurka Jeegaanta ee Denbiga looga dhigaayo dadkeena qaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybtii 11 aad Sheekadii fidinta Cudurka Jeegaanta ee Denbiga looga dhigaayo dadkeena qaar
Maydhane. Mansha Allah, kol hadii Garxajiskii Uk uu isugu yeedhay Suldaan kii Ina Cali Madar. Odaygu waa Rageedii. Mooge. Waaryee waan la socdaayoo qof Cusub oo anaga ahi oo shir Garxajis ka sheekayna maan arag. Intii Waddani ee aad Masruufi Jirteen ayuun baa weli tacsidii Waddani idin la fadhida. Niyaw goorma ayaa Gogosha tacsida laabaysaan horta? Miyaaney xiliba lahayn? Waxaan ka baqayaa inaa Asay u qaadaan Mr Cirro iyo Xisbigaa dhacay. Maydhane. Miyaad arkayn odayaashii Reerka oo London shirka ka hadlaya. Mooge. Inaad kubka iyo bowdada ka jabteen waxaa markhaati u ah waxaad ka hadlaysaa London. Anaga ma london ayaa la naga xukumaa? Mise Maqdarad lacag laydinku ururinaayo ayaa ka dhiganaysaan Uk. Dee Taandhooyin waaweyn dhigta Xadiiqadaha waaweyn ee Uk. Garxajis daayoo Maca Somaliland ta kale ayaanu odhan doona ku darsada waa Masiibadii Doorashada ee Wallaalo deene. Gacan nebi nin doonow gacantaa ha socoto. Waa ka faraqabdan doontaane, dadka aan idiinku yeedhno. Maydhane. Waar ha noogu yeedhin Jeegaanta iyo maryo Aloollka. Anagu Shir Garxajiska Uk ah ayaanu ku baaqnaye. Mooge. Inader Qurbo joog nooma arimiso waxa looga baahdaa waa qaadhaan yar uun. Hadey intaas uun tahay anigaa odhanaaya ku darsada waa hor ilaahay iyo habeen aakhiro. Markaba way buuxinayaan oo Reer Somaliland oo dhan ayaa kuugu ridi. Dee ceebna maaha in dadkaagu kaa caawiyaan Xaalufka iyo barakaca ka dhashay Doorashada. Maydhane. Waar way inaga shakiyayaan oo waxba in siin maayaane. Ha noogu yeedhin inader. Waxay odhanayaan Rasaas ayey siisanayaan lacagta. Waar tuhunka ha naga qaadin. Mooge. War la,aan ayaa ku haysa. Beri hore ayaa tuhinki lagaa qabay dadka ka baxay. La hubsayoo Gorayo haad bay noqotay. Hadaba mid kale maad yeeli inader? Maydhane. Maxaan yeellaa Kharash ayaa loo baahan yahaye. Lay naga yeeli maayo Isaaq ama Somaliland eey na caawiya. Hadaa kallaam maa yamshii okhooy. Bal dhako keen kale? Mooge. Anagaa dhako iyo kaarto kuu hayna. Hole weyn oo 3000 qof qaada soo kiree. Xafladana open ka dhig maca Wallaweynta Shanta Soomaaliyeedba ha yimaadaan. Xasan Aadan Samatar aan la soo heshiino inuu Xaflada inooga Heeso. Bahal Xayeysiis ah oo khatar cadiim ahna Cali Seenyo ha inoo sameeyo. Halkaa aynu lacagta kaga ururino. Waliba Heestii ku jirtay Riwaayadii Wadhaf iyo shinbiri War isuma hayaan ee uu lahaa UHUN Cismaan Aadan Xuseen (Askari) ee la odhan jiray Waan Dibad Gaalloobay aad ha ugu cel celiyo. Taas ayaa dadka lacagta ka soo wada goynaysee. Inaguna sidii wax heesta ka helay ayeynu odhanaynaa" Biis Biis woow ta Ceesh ta Ceesh, Oof Caleek, axyaa Qaraami" Maydhane. Riwaayadaas waan Gallay oo Xassan iyo Sahra Axmed ayaa Xidigyada koowaad ahaa. Labada xidig ee labadna waxay ahaayeen " Maxamed Yuusuf Cabdi iyo Shankaroon Axmed Sagal" Niyaw heestaa bal i xasuusi waaban iloobaye? Mooge. Waxay ahayd marka uu u dhoofo dibada iyada oo sahri sugayso ayaa uu tallo xumoobayaa. Deedna dibintuu qaniinayaa. Waatan heesti. Doonidii aan koraayey. Dakhalkiibaa ka jabayoo. Dabayliibaa la tagayeey Waan Dibad Gaalloobay. Waan Dibad Gaalloobay. Dib jiray sida duunyo caymadoo. Diir naxaa ma kugu yaalloo ina may damqanaysaayeey. Heestaas ma dhegasan karo. Arbacaw cishriin saac yaa ibnu camii. Maydhane. Waar biloo intaan kharash garawno ay inagu go,o daa? Mooge. Waar lacag ayaa lacag soo saarta adeer. Dadkaa Somaaliyeed ee Shanta Somaliyeed ka yimi marka aduunka laga daawadana caadigaagii waxaad tidhaa "maansha Allah waxaas oo dhami waa anaga faro waynaa 5 tii gobol ee Somaliland ayaa tolkay iskaga yimi" Maxaa kaa gallay ma qabiil ayaa wejiga dadka kaga yaalla? La soco Qaybaha danbe.......? Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

Mohamed Rays
Haba la Qabtee horta ma jiraa Shirka lagu Sheegay mid Garxajis iyo Garxajis Siyaasad ku wada socdaa toona? Qaybtii 3 aad Qalinkii Ibraahim (Xabbo) Waxaa ila fogaatay araarta oo ila gashay taariikhda Reeraha Somaliland iyo Xisbiyada. Waxaynu isla wada fahamnay markaynu dib u raacnay taariikhda Reerraha Somaliland iyo Xisbiyada in Jeegaamuhu hore u Jireen. In Reer Waliba uu sameeyey Xulufaysi hoose oo uu la yeeshay qaar aanay dadka kale iska xigin sida. Habar Yoonis iyo Makaahiil oo Ka mid ah Samaroon. Ciidagale iyo Ciise Muuse. Jeegaanta yar ee ay Wadaagayeen Min Qabiilatu Al baxar Al Ciisa Muusiya wal Qabiilatu Daakhilal turaabiya waa mid La suuliyey oo loo sadqeeyey Musharaxii Kulmiye MBC oo maanta sifo Sharci ah ku noqday Madaxweynaha Somaliland. Waxaanan anigu qabaa inay ahayd talladii ugu saxsanayd ee Somaliland ku badbaaday ee ay kaga badbaaday Musharaxii Waddani oo anigu aan qabo hadii uu ku guulleysan lahaa in meel dheer laga raadin lahaa wixii inagu fadhiyey Boqollaalka kun ee nafood iyo Maaliyada badan. Marka aan sidaas leeyahay uma jeedo Cida uu ka dhashay Cabdiraxmaam, oo waxaa ku jira ama ka buuxa qaar badan oo haday sharaxan yihiin aan ku aamini lahaa Dalka iyo Dadkaba lana shaqayn lahaa sida hadaba aan ulla shaqaynayey MBC. Aniga iyo in badan oo kale maanu kalla dooran Reeraha ay ka soo kalla Jeedaan Muuse iyo Cabdiraxmaan. Labaduba waa kuwayagii oo aanu dhiig iyo dheecaan iyo hayba wadaagno. Waxaanu kalla dooranay labadooda oo aanu midna soo tijaabinay midna hada rabno inaanu tijaabino oo weli uu tijaabadii uun ku jiro. Aan ku noqdo Jeegaantii Jeegaamaha dhashay oo ilaa maanta jirta oo shaqaynaysa taag ay leedahayba. Hadaba Jeegaantaa Dhabta Libaaxa iyo Makaahiil waa mid weli jirta oo weli shaqaynaysa , waana tii ugu horeysay ee Jeegaamaha dhashay wallow ay iyadu guul daraysatay. Ma Saxbaa in Jeegaanta jirta ilaa hada ee ku dhacday Doorashadii ay noqoto Xallaal? Ta lagu macaashay ee Xiligii Doorashada ku dhamaatayna noqoto Xaraan iyo Nijaas. Markii la isku muquuniyey tartan xor iyo xallaal ah oo one man one vote ayaa la liqi kari waayey sidii oo maanta Doorasho inoogu horeyso. Waxaa dhegahayaga ka batay oo ilaa hada socda Kelmeda Garxajis oo 50 ka aan jiray iyo 50 ka aan Sheeko ku hayo aan la mahadin oo aan xitaa Shallaadka ku qaadin Luuqad isku mid ah. Oo aan ilaa maanta qof ii sheegi karaa aanu jirin maalin lagu macaashay oo la yidhaa maalin hebla. Waxaa Dhegaha Reer Somaliland ka badatay hadalkaas oo aad loogu soo cel celinaayo. Waxaan arkaa qaar run moodaya oo iska ruxmaya oo ka dhigaaya arin jirta. Runtii Magacu wuu Jiraa oo waan ka soo sheekeeyey Laakiin waxa hadalkaa miciinka biday ee u xuub siibtay waa Xisbigii Waddani oo saaxada Xisbinomo ka sii baxaaya. Waxay ku Qarinayaan Khilaaf weyn oo Gudaha Xisbiga ka jira oo ay Guuldaradu keentay. Waxaa dhawaan arki doontaan Dildilaac gaadha heer Khatar ah oo ka dhex bilaaba inta ku wada socota Baadilka iyo Gardarada ee hilmaantay Somaliland nimadii Tolniimadii iyo wixii la isu ahaa oo dhan. Waxa ujeedada iyo Nuxurku uu yahay Qollada Sheeganaysa Garxajiska iyo Shirkiisa waa 99 % oo Habar Yoonis. Waxaa kale oo jira in kooban oo Awalba ka tirsanayd Xisbiga Waddani oo weliba kulla socotay Danahooda Shaqsiga ah iyo Al Fuluus katiir oo markii uu dhamaaday tartankii Xisbiyadu halkan u bedeshay Sheekadii si aan masaariiftu uga kalla go,in. Waxaan leeyahay Qollada aan ogayneey iminkaba ogaada oo ha iska Ruxmina Ciidagale intii u talinaysay maaha inta Waddani taageertay ee midhadhka ah. Waxaa Ardaa walba uu leeyahay Cuqaal iyo Gudiyo. Tusaale ahaan Reerkayaga oo ka mid ah Ardaayada ugu Ballaadhan oo leh 5 Caaqil iyo 13 Gudida Reerka ah hal qof nagagama jiro kuwa na sheeganaya ee Shirka hadal haya. Ardaayada kale ee Ciidagale na waa la wada mid oo tusaale ayaan u soo qaatay uun kayga. Waxaan Shicibka Wanaagsan ee Somaliland ee Warbaahinta la Socda u sheegayaa waa masabid arintaasi. Waxay la mid tahay Ciyaarihii Gobollada ee uu Maxamed Siyaad Barre lahaa 1989kii inaga oo Dulcad iyo Daroor Joogna yidhi "waxaa Xamar ku Ciyaaraya Waqooyi Galbeed iyo Tog Dheer" Waxaa Qaylinaya ee Garxajis Garxajista hayaa waa intii Daraad sidatay Callanka Orange ka ah oo aan cidi kale ku wehilin waxa ay shubayaan. Haday Shirayaan. Haday Shaxa yaan iyo haday Wada Shaahay nayaanba awalba waa wada joogeen intaasiye waxba haw dheg taagina. Waxaba ha la socon Qayb dambe intaasi kaaga filan, waanad ku mahadsantahay Akhristoow waa inoo qaybaha kale ee weli socda. Allaa Macakum yaa Ciyaalla Somaliland.

Qalinkii Ibraahim (Xabbo)