Natiijada Kulan Dhex-maray Wasaaradda Macdanta Somaliland Iyo Waxgaradka Iyo Odayaasha Gobolka Saaxil

0
Sunday February 11, 2018 - 16:32:17 in by salman abdi
  • Visits: 108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijada Kulan Dhex-maray Wasaaradda Macdanta Somaliland Iyo Waxgaradka Iyo Odayaasha Gobolka Saaxil

    Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Md.Jaamaca Maxamuud Cigaal oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Md.Jaamaca Maxamuud Cigaal oo

 ay waheliyaan saraakiil ka tirsan Wasaaradda ayaa shir la yeeshay Siyaasiyiiin, xildhibaano, madaxdhaqameed iyo aqoonyahano ka soo jeeda deegaanadda Gobalka saaxiil ee uu ka bilaabmay sahaminta shiidaalku.

Shirkan oo lagaga arrinsanayay layskuna fahansiinayay hanaanka loo maamulayo sahanka shiidaalka ee ka bilowday Gobalka. Waxaan shirkan lagu falaqeeyay qaabka shaqaaleynta xirfadlayaasha iyo kuwa aan xirafada laheyn, hanaanka wacyigalinta bulshada iyo sugida amniga.

Image may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people smiling, people sitting and indoorImage may contain: 5 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, indoorImage may contain: 2 people, people smiling, people sitting and indoorImage may contain: 5 people, people sitting, table and indoorImage may contain: one or more people, people sitting and indoor

Shirkan ayaa ku soo afmeeray is-afgrad isfahan iyadoo dhamaanba tabashooyiinkii dhinaca odayaasha deegaankaasi la xaliyey, isla markaana la isla qaatay wadashaqeyn buuxadda in lagula barbar taagnaado mashruuca sahaminta shiidaalka ee ka socda Gobalka.
Wasiir Jaamaca Maxamuud Cigaal ayaa cadeeyay in mashruucaasi lagu maamuli doono si daahfuran mudana la siinayo dadka deeganka ah.

Dhinaca Odayaasha, Xildhibaanada, Madaxdhaqmeedka iyo aqoonyahanka deegaanka Saaxiil ayaa iyaguna dhankooda cadeeyay in dadka deegaankaasi ay mar walba u heelan yihiin horumarka dalka oo shiidaal baadhistu kow ka tahay. Waxay sido kale cadeeyeen in Is-afgardkaa taama ah ay kula noqonayaan bulshadii ay matalayeen.