Xukuumadda Somaliland Oo Joojisay Furashada Xarumaha Cusub Ee Caafimaadka Ee Gaarka Loo Leeyahay.

0
Monday February 12, 2018 - 16:27:20 in by salman abdi
  • Visits: 622
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Joojisay Furashada Xarumaha Cusub Ee Caafimaadka Ee Gaarka Loo Leeyahay.

    Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Xasan Ismaciil Yuusuf, ayaa muddo lix bilood ah joojiyey in dalka laga furo goob caafimaad oo gaar loo leeyahay oo cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Xasan Ismaciil Yuusuf, ayaa muddo lix bilood ah joojiyey in dalka laga furo goob caafimaad oo gaar loo leeyahay oo cusub.


Wasiir Dr. Xasan Ismaaciil, waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu arrintaasi kaga hadlayay, kaas oo uu ku socodsiiyay Isu-duwayaasha gobollada ee wasaaradda Caafimaadka.

"Waxaa dadweynaha la socodsiinaynaa laga bilaabo maanta [shalay] oo taariikhdu tahay 11kii febaruary 2018 in la joojiyey furitaanka goobo caafimaad oo gaar loo leeyahay sida, Cusbitaalo, Xarumo caafimaad, Farmasii iwm, ama xarumo lagu baranayo culuumta caafimaadka muddo lix bilood ah,”ayuu wasiirka caafimaadku ku yidhi qoraalka uu shalay soo saaray.