Itoobiya oo sii deysay hogaamiye weyn oo mucaarad ah iyo rabshado dalka ka jira

0
Wednesday February 14, 2018 - 10:04:07 in by salman abdi
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya oo sii deysay hogaamiye weyn oo mucaarad ah iyo rabshado dalka ka jira

    Itoobiya oo sii deysay hogaamiye weyn oo mucaarad ah iyo rabshado dalka ka jira

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Itoobiya oo sii deysay hogaamiye weyn oo mucaarad ah iyo rabshado dalka ka jira

Dowladda Ethiopia ayaa shalay xabsiga ka sii deysay Bekele Gebre oo ah hoggaamiye sare oo mucaarad ah, sidoo kalena laashay dhammaan eedihii loo haystay.

Bekele Gebraoo ah xoghayaha guud ee ururka Oromoda OFC, ayaa dowladdu ay xabsiga dhigtay bishii Dec 2015-kii, kadib markii ay qarxeen dibaxbaxyo ka dhacay gobolka Oromada.

Warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyay in Bekele iyo 7 kale oo mucaarad ah la siidaayay.

Bekele ayaa xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Addis Ababa.

Wuxuu yiri "Waxaa naloo soodaayay sababo ay ugu wacan tahay cadaadiska dadka ka imanaya oo sii kordhaya. Taasi ayaana ugu weyn in nala soo daawo. Dowladdu ma doonayso inay na dhageysato oo badanaa ma rumaysna halganka nabadda ah, waayo iyadu waxay xukunka ku timid halgan hubeysan kaas oo kaliya ayayna taqaanaa. Waligeed ma aqbalin halgan nabadgelyo ah”

Siideynta Bekele ayaa timid iyadoo maalintii saddexaad ay socdaan dibadbaxyo ka dhacaya gobolka Oromada.

Dhinaca kale, waxaa socda cafis guud oo dowladdu ay u fidisay dadka ka soo horjeeda, iyadoo talaabdaasina uga gol leh inay ku yareyso xiisadda dalkaasi ka jirtay tan iyo 2015-kii.

Salaasadii shalay dad fara badan ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Oromada, kuwasoo wadooyinka ku xidhay dhagaxaan. Suuqyada, schoollada iyo bangiyada ayaa xidhnaa magaaalooyinka Jimma, Woliso and Legetafo.

Ciidamad aminiga ayaa Isniintii lagu eedeeyay inay toogasho ku dileen laba dumar ah iyo nin dhalinyaro ah, magaalada Mada Walabu ee gobolka Oromada.

Dowladda Maraykanka, gaar ahaan safiirkooda Ethiopia Micheal Raynor ayaa walaac ka muujiyay dadka ku dhintay qalalaasaha, wuxuuna sheegay in baahida loo qabo in dadku ay si xor ah oo nabadgelyo ah aragtidooda ku cabiraan.

Hay’addaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in boqolaal qof ay ku dhinteen rabshadaha iyo qulqulatooyinka ka dhacaya dalka Ethiopia.