Suarez Oo Hogaaminaya Gool Dhalinta Iyo Gool Caawinta EPL Xilli Liverpool Ay Iskoor Cusub Dhigtay.
Kooxda Liverpool oo xilli ciyaaredkan is badal weyn uu ka muuqdo ayaa heysata rikoor ah labadda xiddiga Ee ugu gool dhalinta badan horyaalka Ingriiska iyo labadda xiddig Ee ugu gool caawinta badan.
Luis Suarez oo xilli ciyaaredkan kooxdisa u saxiixay 23 gool ayaa hogaminaya kala horeyta gool dhalinta Premier League iyo mida aduunka halka Sturridge uu kaalinta labaad kaga jiro kala horeynta Premier League uu dhaliyay 18 gool balse tan aduunka ayuu ka soo galay kaalinta afaraad, iyadoo Aguero uu soo xajistay kaalina seddxad Ee kala horeynta gool dhalinta EPL kadib markii u kooxdisa City u dhaliyay 15 gool.
Suarez ayaa sido kale hogaaminaya gool caawinta ugu badan Premie League isagoo caawiyay sagaal gool waxa sido kale min sagaal gool caawiye ka noqday kabtanka Liverpool Steven Gerrard iyo weeraryahanka Manchester United Wayen Rooney.
Liverpool ayaa la oran karaa inay xilli ciyaaredkan tahay kooxda ugu weerarka qatarsan marki loo eego dhan walba gool dhalinta iyo gool caawinta, Suarez iyo Sturrdige ayaa inta badan shabaqa kooxaha Ingriiska soo taabaty marki laga reebo Manchester City iyo Chelsea.MARKASRTA IYO WAKHTI KASTA KA DHEEGO CIYARAHI UDANBAYAY
AFKASHACABKA.COM
CONTACT@AFKASHACABKA.COM