Qaybtii 4 aad Sheekadii Qumane iyo Qallanbaawi, Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

0
Thursday February 22, 2018 - 09:11:00 in by salman abdi
  • Visits: 1139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybtii 4 aad Sheekadii Qumane iyo Qallanbaawi, Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

    Qaybtii 4 aad Sheekadii Qumane iyo Qallanbaawi, Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybtii 4 aad Sheekadii Qumane iyo Qallanbaawi, Qalinkii Ibraahim (Xabbo) Qumane. Waxaad tidhi "nimankani Waddani waxay ka baxayaan Saaxada Siyaasada" Miyaad habaartamaysaa maanta? Qallanbaawi. Horta waanay kuu muuqan hada ayaabay ka baxeen saaxada. Adiguse marka ay kugu dunto, ee aad aragto in aad cidla,a fadhido ayuun baad wax ogaataa ileen Xuunsho ayaad tahaye. Qumane. Waar dee ha na caayin maxaad Xuunsho anaga noogu sheegaysa Xuunshada? Qallanbaawi. Waar anigana Tuke igu sheeg, waxbaan uga jeedaaye. Anugu sideedaba horta dadka ma caayo inader, laakiin mid ay ka naxaan oo run ah ayaan ku idhaa oo Wadnaha goysa ileen wax badan ayaan ogahay. Qumane Tukaha ayaaba ka fool xun tan la yidhaa Xuunshadee , maxaad ku fashay? Qallanbaawin. Waar kama Xumee Tukuhu waa wax feejigan oo marka labada qof is eegaan ayuu sii fahmaa in isaga lagu socdo. Markaas ayuu Duullaa oo waxa uu la socdaa Dareenka Maskaxda oo waxa uu sii Odorasaa wax kasta oo dhici kara. Xuunshadu lakiin marka laba dhagax dhuuca loo geliyo mid kallena ku soo maqan yahay ayey wax ogaataa oo ay duushaa. Waxaa la yidhi" Xuunshooy Nabigii dhimay " waxay tidhi " hortiiba Xaarka ayaan Cunayey" Qumane. Markaa ma anaga ayaa cunayna ? Miyaad xishoonahayn horta? Qallanbaawi. Maya inader ma cunaysid. Af Soomaaliga ayaad moodaa inta wax lagu iibsado uun in aad ka taqaanid. Miyaan waxba kaaga soo duxin, wixii Reerkeena lagu majeeran jiray horta inader? Yaa kuu Reer Abti ah horta adiga? Ma Baal Cad mise Shanta Calleemood Qollada la yidhaa? Hadii aad sidayda noqon lahayd Al Turaabi Al turaabi dhallay kollay wax badan ayeynu isla fahmi lahayn. Qumane. Waxaan ku idhi waxay leeyihiin " Musharaxa waxaanu ka dhigaynaa nin ka mid ah Al Turaabi" Ku xigeenkana waxaanu ka dhigaynaa" Nin Samaroon ah oo weliba Makaahiilkaygii Daahir Riyaalle ah" Markaa Xisbigii Waddani waa la duulinayaa maalin dhaw. Qallanbaawi. Wuxuu yidhi Tafe Aw Cabdillahi Geelle" wallee Rubad ayaanad Wiil ku dhalin" Waar kaas la yidhaa (Waddani) Yeegii iyo Cadaamadii ayaa ku dhintay maanta. Hadaad turubka ciyaari jirtayna 36 ayuu ku jiraa. Baadhkii iyo fooradiba waa xagiisa. Waar Dameer ayaa ku bakhtiyey halkaase yaan Wakhti kaaga lumin inader. Qumane. Waar waxaanu ka hadlaynaa Doorashada danbe. Qallanbaawi. Waar ta danbe iyo ta ka sii danbaysaba way dayaceen ayaan ku idhi. Dhego yeello Fillisoow Anaa dhaqan lahaa Geelle. Caduur dhaw dhawdu uma dhicin. Hore ayaan kuugu digay oo aan ku idhi "waar Doonidaas Waddani wey dagaysaa ee ha isku raacin" Iminkaa Dirqi lagaaga soo badbaadiyey Bad weynta , markaas ayaad na leedahay Musharax ayey soo waddaan. Mallag laguu keenye is daba qabo, oo dadkan asqoobay ee Martin caqliga u yahay dib haw raacin. Qumqne. Maxaad nagu habaarraysaa? Adigaba Cali Gurey ayaa kuu Caqli ahe. Cagafta Dawllada Hoose ku Jiidhaye adigaba. Qallanbaawi. Waar wuxu miyuu xanaaqay? Waar horta qiyaas xumida waxaad kaga dartay Coon nimada. Ma Carran ayaad tahay waa halkii Maxamed Subeyrkee? Ha xanaaqin Qoodhaa Jabtaye, waanu kulla tallinaynaa, oo magaca ayaa ileen isugu keen yaalla, oo khasaarahaagu waa khasaarahayga. Ileen Foostadan dalloosha ee aad dhaaminayso maalin walba sidii Dadkii Waalnaa ee Jeel Majnuunka ku jirrey, waxan aad ku dhaaminayso ayaa inaga dhexeeya oo waa codkii Al Turaabigee. Inta aad isleedahay ka carar kuwa kuugu xiga ayaad u gallaysaa Bellaayo walba oo Haad iyo Haaruunba kaa dhergayaa. Qumane. Maanta hadii lay nooga dhigaayo Musharaxii Waddani Nin Al Turaabi ah ka waran.? Qallanbaawi. Ka waramaye bal maantana iga gunud "horta Xisbi wuu ku daayey oo dib u tamarin kari maayo kani" Sidaas oo ay tahay hadana Maddane ayaa dab ugu jira, oo kaas ayaa la isku sii qabsan doonaa dhawaan. Jeegaan bay baratee waxaad arki iyada oo Ceeryaan iyo Dhaddo loo kalla baxay. Dhedo Roob Noqon weyday. Waxaad arki iyada oo Cid kale daayoo Buurta Gacan Libaax iyo labada tuullo ee Go,da Weyn iyo Go,da yari kalla fadhiyaan oo Ay u kalla baxeen Ciyaalla Duur iyo Ciyaala Cabdiraxmaan Shacru Abyad. Waxaad arki iyada oo sadex Mus danbeed yeellatay. Waxaad arki iyada oo jaantaa rogan ah oo TV yada la isaga han jabaayo. Qumane. Ceeryaanta garranaye maxay ahayd dhedoduna? Waar maaha sidaase hadii Garxajis uu labadan nin labadaba iska qabto miyaanay sax ahayn? oo weliba inagu Faysal keena ugu hor qabano? Qallanbaawi. Hadaad Ceeryaanta garatay, Dhedoduna waa inta kale ee Ceeryaanta naf ka sii sugaysa ee aad Cabdiqaadir Jirde ugu horeyo ee aad adiguna ka mid tahay. Adeer Ma waxaad u haystaa Caruur aanu dhalnay kuwan aad ka sheekaynayso? Wallahi ayaga ayaad ka hadlaysaaye Inan kaaga aad dhashay haduu Arsinal tan khatarta noqotay ee dadka leysa gallo in aanad ka saari karin, macadala waa Faysal oo maca Raysal Wasaarihii hore ee Ethiopia iyo Farmaajaba ka yaabeen Mitidnimadiisa iyo Mr Cirro oo Nagase Gadhaadha iyo Dilayta Ahmed Dilayta oo ay jaaryihiin garran waayey. War la,aan baa col hoday.

La soco Qaybaha danbe.......?
Qalinkii Ibraahim (Xabbo)