Kenya:- Dawlada Kenya Oo Ku Dhawaaqdey In Ay Iskaashi Ganacsi Ay La Bilaabeyso Somaliland.

0
Wednesday March 07, 2018 - 13:12:39 in by salman abdi
  • Visits: 549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya:- Dawlada Kenya Oo Ku Dhawaaqdey In Ay Iskaashi Ganacsi Ay La Bilaabeyso Somaliland.

    Kenya:- Dawlada Kenya Oo Ku Dhawaaqdey In Ay Iskaashi Ganacsi Ay La Bilaabeyso Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya:- Dawlada Kenya Oo Ku Dhawaaqdey In Ay Iskaashi Ganacsi Ay La Bilaabeyso Somaliland. Wasaarada arimaha dibada dalka Kenya ayaa ku dhawaaqdey in dawlada Kenya

iyo ganacsatada qaadka Miirooga e dalkaasi ay wada hadal la bilaabi doonan Somaliland , si Somaliland loogu iib keeno qaadka Miirooga .


Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa shalay daabacay in wasaarada arimaha dibada ee dalka Kenya ay ganacsatada qaadka ee Kenya u fasaxdey inay wada hadal gacansi ay la furaan ganacsatada dhigooda ah ee dalka Somaliland .


 

 

Dhawaqa wasaarada arimaha dibada dalka Kenya ayaa yimid kadib markii uu gudoomiyaha ururka ganacsatada qaadka Miirooga ee Kenya Kimathi Munjuri uu dawalda Kenya ka codsadey in la dejiyo siyaasada qaadka Miirooga loogu iib geyn karo suuqda Somaliland oo uu ku tilmaamay kuwo dihin .


Agaasimaha waaxda ganacsiga ee wasaarada arimaha dibada kenya ayaa qoraal uu u qoray gudoomiyaha ganacsatada qaadka Miiroogu waxuu u sheegay in fikirka ah in jaadka Miirooga suuqyada Somaliland la gaadhsiiyaa tahay fikir la soo dhaweeyey maadama oo uu xoojinaayo iskaashiga ganacsiga .


Laakiin masuulkan wasaarada arimaha dibada ka tirsani waxuu warqadiisa ku yidhi


" waxaa aanu soo jeedineynaa in muddada booqashadu socoto , la soo xulo koox ka tirsan masuulyinta dawladda oo u dhugmo yeesha qorshe kasta oo fuuro gaar ah leh "


Ururka ganacsatada qaadka ee Miirooga ayaa dawlada Kenya iyaguna ka dalbadey inay wada hadal la bilowdo Somaliland isla markaana ay dawlada Somaliland ka codsato inay laasho cashuur adag oo ay sheegeen inay Somaliland ku soo rogtay qaadka , Miirooga waxaanay sheegeen in faraqadhinaca cashuurta ahi u dhexeeyo Kaadka Itoobiya iyo midka Kenya ee Somaliland gaadhya , iyagoo xusay in jaadka Miiroogu uu suuq shilis ka helay dabaqadii sanadkii hore markii uu hakad gala qaadka Itoobiya