Ankara:-Xildhibaan Baarlamaanka Turkiga oo ku eedeeyay Imaaraadka Carabta' in ay hoggaamiyaan olole ka dhan ah Ankara.

0
Monday March 12, 2018 - 09:03:36 in by salman abdi
  • Visits: 564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ankara:-Xildhibaan Baarlamaanka Turkiga oo ku eedeeyay Imaaraadka Carabta' in ay hoggaamiyaan olole ka dhan ah Ankara.

    Ankara:-Xildhibaan Baarlamaanka Turkiga oo ku eedeeyay Imaaraadka Carabta' in ay hoggaamiyaan olole ka dhan ah Ankara.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ankara:-Xildhibaan Baarlamaanka Turkiga oo ku eedeeyay Imaaraadka Carabta' in ay hoggaamiyaan olole ka dhan ah Ankara.

Masuuliyiinta Turkiga iyo Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa Axaddii hadala kulul isweydaarsaday kadib markii diblomaasi sare oo Abu Dhabi uu ku eedeeyay xukuumada Ankara inaysan ixtiraameynin madaxbanaanida dowladaha Carbeed ee dariska la ah.

Anwar Gargash, oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta, ayaa Twitter-kiisa ku ku qoray isaga oo leh xiriirka Carabta iyo Turkiga "ma aha mid aad u wanaagsan", isaga oo intaas ku daray in Ankara ay tahay in ay "ixtiraamto madaxbanaanida Carabta".


Ahmet Berat Conkar, oo ah xildhibaan sare oo ka tirsan Xisbiga Cadaalada iyo Horumarinta ee Turkiga (AK Party), ayaa ugu yeeray Gargash "hadaladiisa kuwo aan waxba ka jirin" iyo "nasiib darro".

Xildhibaanka ayaa intaa raaciyay in wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta uusan u hadli karin magaca Carabta guud ahaan, wuxuu kaliya ka hadli karaa waddanka uu matalo, waa inuu ogaadaa booskiisa marka la eego," ayuu yiri Conkar oo la hadlayay Al Jazeera.

"Waxaan leenahay saaxiibo badan oo wadamada Carabta, waxaan la shaqeyneynaa wadamo badan oo Carabta ah," ayuu yiri Conkar, oo sidoo kale xubin ka ah guddiga arrimaha dibada ee barlamaanka Turkiga.