Go,aanadii dawladu soo saartay si qiimaha shilinka Somaliland kor loogu qaado waxaa ka mid ahaa inshirkaha bixiya edeega mobile money ay system kooda ka saaraan isticmaalka waxa ka yar $100 taasbedelkeedana dadweynahu shillinka Somaliland loogu sameeyo oo ay isticmaalaan. Haddabago,aankaasi wuxuu sharci (legal tender) ka dhigayaa in lacacgta shillinka ee mobile money ku jirta inwaxna lagu iibsan karo, deyn la iskaga bixin karo si lamid ah lacagta noodhka ah ee bangiga dhexeSomaliland soo daabaco. Sidaas marka ay arintu tahay cidii diida in ay aqbasho in wax lagaga iibsadoama deyn la iskaga bixiyo ama dollar lagu sarifto waa dambiile in maxkamad lasoo taago dhici karta.Kawaran haddaba haddii dawladii amarkaa soo rogtay ee tidhi waa in shilinka Somaliland lagu shubtomobile money ee sharciyeysay ay diido in ay qaadato oo la iskaga bixiyo cashuurta dawlada, liisamadaiyo ganaaxa iyo dhamaan lacag qabashada xukuumadda!!!!! Haddii ay dawladu aqbali weydo in ay ku
qaadato lacagaha mobile money ee shillinka Somaliland arintu waxay noqoneysaa in dadweynahulacagahaa shillinka ee ay ku shubteen mobilekooda ay yihiin faalso iyo foojari. Dhinaca kalena shirkadihiilacagta dollar isku bedel ah ama shillin noodhka ka qaatay dadweynuhuna ay dhacaan bulshadii marhaddii aanay dawladiiba iyadii qaadaneynin. Waxay diidmadaasi kaloo keeneysaa in dalku yeeshosaddex lacagood oo shillin Somaliland ah tii dhookhka waraaqada ee bank dhexe, edahab iyo zaad shilinoo ay kale soo saareen saddex meelood oo lacag soo saara. Xaga suuqa waxay saddexda lacagood kalayeelan doonaan sicir kala duwan oo lagu kala qaato iyagoo wada shillin Somaliland ah haddana.
Haddii dawladu aqbasho inay ku qaadato lacagaha mobile money shillin Somaliland waxay loo baahan

 

doonaa in haydaha lacag qabashada ee dawladu sameystaan mobile merchant shillin oo lacagta loogushubo. Sidoo kalena bangigu dhexe laftiisu furto zaad iyo edahab shillin Somaliland si dawladuna lacagtiisoo gashay udhigato bangiga. Sidoo kale aqbalaada mobile money shillinka Somaliland waxaa lagu bixindoonaa dhamaan kharashaadka dawladu gasho sida mushaharka shaqaalaha etc. Marka ay sidaasidhacdo waxaa sidoo kale ka baxaya ama yaraanaya isticmaalka lacagta noodhka shillinka Somaliland.Waxaa meesha ka baxaya lasocdka xadiga lacagaha shillinka Somaliland suuqa ku jira ee markii horebangiga dhexe isagu kaantaroolaayey maadaama iminka labo dhicac oo kale lacagtii soo saarayaan.Aakhirka shillinku wuxuu ku ururi doonaa shilllin mobile money ku jira noodhkuna wuxuu ku xaroondoonaa bangigii dhexe ee soo saaray markii horeba. Shirkadaha mobile money bixiya ayaa shillinkahawshoodu ku badan doontaa.Lasoco qoraaleyda dambe ee arinta shillinka Somaliland iyo saameynta go,aanada kor u qaadista iyo
isticmaalkiisa.
Cilmi Axmed – Elminov , Hargeisa